U bood dhigaalka

Wakiilkii Al-shabaab Ee Gobolka Banaadir Oo Lagu Diley Sh/hoose

Sheeko:Dalka

War-saxaafdeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la rumeysan yahay in howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada dowldda iyo kuwa saaxiibada la ah dowladda lagu diley wakiilkii Al-shabaab ee  gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Toora-toorow ee Sh/hoose.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).”

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed oo Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay argagaxisada Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Cali Maxamed Xuseen ayaa ahaa wakiilkii Al-shabaab ee gobolka Banaadir, waxaana uu ku sugnaa deegaannada Sh/hoose, balse Al-shabaab dhankooda ma aanay xaqiijin in laga diley sarkaalkan.

Goobjoog News