U bood dhigaalka

Waqtiga Ay Dib u Furmayaan Kulamada Golaha Shacabka Oo La Shaaciyey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey waqtiga ay dib u bilaabanayaan kulamadooda.

Xoghayaha guu ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Buux oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kulamada baarlamaanka ay dib u furmayaan maalinta Sabtida ah.

“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka”

Xildhibannada golaha shacabka aya loo fasaxay si ay usoo gutaan waajibaadka Xajka, balse hadda waxaa dib u bilaabanaya kulamadooda.

Goobjoog News