U bood dhigaalka

Wax Ka Baro 7 Hab Doorasho Oo Midkood Laga Hirgelin Doono Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waxaan sharraxaad kooban ka bixineynaa toddobada hannaan ee gudigga doorashada u soo gudbiyeen Golaha Shacabka si ay go’aan uga gaaraan hanaanka ku habboon ee ay Soomaaliya qaadaneyso doorashada 2020.

In kasta oo 7 hab yihiin qaababka la rabo in midkood laga hirgeliyo Soomaaliya doorashada 2021-ka hadana guddiga doorashada waxaa ay arkaan in Soomaaliya anfaceyso nidaamka saami qeybsiga ee PR iyo Nidaamka codadka kellinimada aan la badali karin ee loo yaqaano SNTV.

Hadaba, halkan ka akhriso, sharaxaadda dhammaan nidaamyada ay guddiga soo gudbiyeen: 

1. Hal-Codley Aan Xawilmin (Single Non Transferable Vote)

Hanaankaan doorasho ee lagu dhahao Afka Qalaad (Single Non Transferable Vote) waa nidaam doorasho oo cod-bixiyaha uu leeyahay hal cod uuna dooran karo hal musharrax, halkii xarun cod-bixin waxaa la dhigayaa dhawr kursi, dadweyanaha waxay u codeynayaan musharraxiinta kuraasta waxaana kuraasta ku guuleysanaya musharraxiinta ugu codka badan, nidaamkaan waxa uu tix gelinayaa musharraxa, waxaana caqabad ku imaaneysaa xisbiga musharraxiinta badan haddeysan si xeeladeysan u kala qoondeyn codadka taageerayaashooda.

Tusaale:

Degmo X hadii la dhigo saddex kursi ayna ku tartamayaan axsaabta X, Y, X ayan codeynta u dhacdo sidaan

Musharax codadka Xisbiga
A 980 Z
B 1450 Z
C 4200 Y
D 6500 Z
E 4300 Y

kuraasta waxaa ku guuleysanaya musharaxiinta C, D, E .

2. Hanaanka Doorasho ee First Past The Post

Waa hanaan doorasho oo xarun cod bixin walba la dhigago hal kursi iyo liiska musharaxiinta ka socda axsaabta waxaana kursiga ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan, codbixiyaashana waxaa la siinayaa liiska musharaxiinta si uu uga doorto musharaxa uu codka siinayo.

Tusaale hadii xarun codbixin X la dhigo kursi Y ayna ku tartamayaan musharaxiinta B, C, D, E, F ka socda axsaabta X, Y, Z, W, P ayna u kala helaan codadka sidaan:-

Musharax codadka Xisbiga
A 980 W
B 1450 Z
C 4200 P
D 6500 X
E 4300 Y

waxaa ku guuleysanaya musharax D.

3. Hanaanka Doorasho ee Matalaada Dheelitiran ama (Proportional Representation)

Waa hanaan doorasho oo halkii xarun codbixin looga tartamayo dhawr kursi ayna ku tartamayaan musharaxiinta axsaabta, waxaana kursiga ku guuleysanaya musharaxa  hela codad ka badan qoon codeedka kursiga uu ku leeyahay codbixiyaasha.

Tusaale:

Degmo H waxaa ka diiwaan gashan 1000 codbixiye waxaana ka tartamaya 5 musharax oo ka kala socda xisbi X, Y, Z iyo Y.

hadaba halkii kursi waxaa ku guuleysan kara musharaxa hela codad ka badan 168 cod oo ku imaaneysa 1000/(5+1)+1 = 168.

4. Hanaanka doorasho ee Cod Wadareynta (Block Vote)

Waa hanaan doorasho oo codbixiyaashu matalayaan wax ka badan hal cod ayna  dooranayaa musharaxa ay u arkaan dadka ay matalayaan  inuu matali karo, Tusaale Degmo X waxaa ka codbixinaya B, C, D waxayna kala dooranaya musharaxiinta ay kuraastoodu taalo deegaanka ay matalayaan.

5. Hanaanka Doorashada Wadareynta Xisbiyada

Waa hanaan doorasho oo degmo walba la geynayo dhawr kursi, codbixiyashana waxay leeyihiin hal cod oo ay ku kala dooranayaan musharaxiinta ay la yimaadaan axsaabta halka ay tixgelin lahaayeen shaqsi musharax ah, xisbiga ku guuleysta kuraasta ugu badan ee degmada ayaana qaadanaya dhamaan kuraasta looga tartamayay degmadaan.  mana ku xirna inuu noqdo xisbiga ugu codadka badan.

6. Hanaanka Doorasho ee  Labo Wareega (Two-Round-System) 

Waa hanaan doorasho oo xisbiyadu ku tartamayaan ay ku tartamayaan si furan marka koowad, waxayna doorashadu dhacaysaa labo goo, halka wareega labaad ay u gudbayaan xisbiyada ay musharaxiintoodu helaan codadka ugu badan waxayna noqon karaan shanta musharax ee ugu codadka badan sida wadanka France.

7. Hanaanka Doorasho Ee Barbara Socodka (Parallel Systems )

Waa hanaan doorasho oo la adeegsanayo isku geynta labada hanaan ee SNTV iyo PR, xarumaha codbixinta waxaa looga codeynayaa dhawr kursi, codbixiyaashu waxay u codeynayaan xisbiga iyo musharaxa labo cod, codbixiyuhu waxaa la siinayaa labo warqad cod bixin ama hal warqad oo ay labadaba u codeynayaan.

W/D: Xasan Maxamud Maxamed

Goobjoog News