U bood dhigaalka

War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka

Sheeko:Dalka

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka kulankiisii sedexaad ayaa ku soo gebagaboobay magaalada Garoowe, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa 12 qodob.

Lataliyaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ee arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka, Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa
Wadaxaajood iyo falanqayn dheer kadib warfidiyeenada u aqriyay qodobadan soo scoda oo ay madashu isku raacday:-

1) Madashu waxa ay uga mahadcelisay Dawladda Puntland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinta shirka sadexaad ee madasha.

2) Madashu waxa ay soo dhaweysay heshiiskii ay gaareen Wasaaradda Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxanabnaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

3) Madashu waxay ay ka mahadcelineysaa ammaanta ay u soo jeediyeen madaxdii ka qaybgashay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho 5tii November 2017.

4) Shirka Madasha waxaa lagu ansixiyay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee labada sano ee soo socota.

5) Madasha waxaa lagu go’aamiyay daadejinta Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Bulshada illaa heer gobol, degmo iyo tuulo, iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

6) Madashu waxa ay soo dhaweeysay safar hawleedka wadajirka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS iyo labada Guddi ee ku shaqada leh arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ay ku tagi doonaan Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya si ay wadatashi ula sameeyaan madaxda sare iyo Wasaaradaha.

7) Madashu waxay soo dhaweyneysaa qabashada shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka, kaas oo ka dhici doono magaalada Muqdisho horaanta 2018.

8) Madashu waxa ay isku raacday in Guddiga Farsamada ee Golaha Iskaashiga Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya lagu soo daro Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka, Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

9) Madashu waxay isla garatay in kulanka afaraad ee madasha lagu qabto magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

10) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS waxaa ka go’an xoojinta wadashaqaynta iyo wadajirka Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladaha Xubanaha ka ah Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga guul gaaro Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

11) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalinta madaxda sare ee Qaranka iyo sida ay ugu heelanyihiin dib-u-eegista iyo dhameystirka Dastuurka.

12) Madashu ugu dambayn waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka dib-u-eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

—–DHAMAAD—–