U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Labo Ruux Oo Lagu Dilay C/waaq

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in degmada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud ku dileen Labo ruux, halka ay dhaawaceen Afar kale.

Guddomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney ku raad joogaan raggii ka damabeeyay dilkaasi.

Waxa uu sheegay in  marar badan sidaan oo kale ay degmada uga dhaceen dilalka qorsheysan balse ay wadaan baaritaan.

Dilkan oo dhacay gabaldhacii shalay ayaa dadka shacabka ah waxa uu ku beeray walwal xooggan.

Degmada Caabudwaaq marar badan waxaa ka dhacay dilal la xiriira aanooyin qabiil, walow Labad ruux sababtii loo dilay aan la ogeyn.

Goobjoog News