U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Duqeyn Diyaaradeed Ka Dhacday Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Diyaarado dagaal ayaa la sheegay in madaafiic ay la eegteen gaari nooca Homey ah oo la sheegay in dhanka Muqdisho usoo jeedday.

Saraakiil u hadashay maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in gaarigan ay Al-shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, islamarkaana usoo wadeen dhanka Muqdisho.

Mar qura ayaa la maqlay jug culus oo qarax ka dambeeyay, iyadoo weli aanay jirin xog dheeraad ah oo gaarigan laga bixiyey.

Bishii aynu kasoo gudubnay waxaa Laba jeer ay diyaarado dagaal ku duqeeyeen Sh/hoose gaadiid la sheegay in qaraxyo laga soo buuxiyey, kuna soo wajahnaayeen Muqdisho.

Goobjoog News