U bood dhigaalka

Wararka Been Abuurka Ah Oo Lagu Baahiyo Baraha Internetka Ayaa Saameeyay Doorashooyinka 18 Dal

Daraasad ay sameysay mu’asasada  Freedom House oo xarunteedu tahay dalka Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha Internetka ay saameeyeen doorashooyinka 18 dowladood.

Daraasadda ayaa waxay diiradda saartay qaabka ay wararkaan u saameeyaan dowladaha iyo afkaarta dadweynaha, waxay tilmaanaty in lacago lagu bixiyo wararka been abuurka ah ee la isla dhexmaro baraha Internetka.

Warbixin sanadeedka ay soo saartay mu’asasada Freedom House ayaa waxaa lagu sheegay in isku geynta 30 dowladood ay ka qeyb qaateen habka isticmaalka baraha bulshada ee lagu faadiyo wararka beenta ah si ay oga adkaadaan mucaaradka.

Warbixinta waxay intaasi ku dartay in laga wacyi galiyo dadka isticmaalaya baraha bulshada in ay hoos u dhigaan wararka been abuurka ah iyo in lagu wacyi galiyo shirkadaha Teknoloojiyadda in ay siyaasad u dajiyaan shabakadahooda si loola dagaalamo  wararka beenta ah.

Goobjoog News