U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Dowladda Dhexe Iyo Maamulka Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkani uu shir guddoominayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka qeyb galay wasiirka koobaad ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada sida Cabdiweli Cali Gaas, Axmed Ducaalle Xaaf, Shariif Xasan Maxamed Waare iyo Shariif Xasan.

Warar ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in dhinacyada ay weli isku mari la’ yihiin qodobo xasaasi ah oo ay ka wada hadlayaan.

Dowladda federaalka iyo maamullada qodobada ay isku hayaan waxaa kamid ah dhaqan gelinta qodobo dastuuri ah oo golaha wasiirrada ay baarlamaanka hor geynayaan, kuwaas oo lasoo sheegayo in madaxda maamullada ay dalbanayaan in loo keeno inta aan baarlamaanka la horgeynin.

Madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sida loo wajahayo arrimaha ammaanka, dhismaha ciidan qaran iyo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyo dastuurka KMG ee haatan dalka u degsan.

Shirka oo ajandayaasha lagaga hadlayo ay ahayd in Seddex cisho lagu soo gebagebeeyo ayaa dib uga dhacay waqtigiisa qodobada la isku hayo oo adag.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News