U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Marka Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa laga dareemayaa magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo shalay illaa habeen hore ay ka dhacayeen dagaallo qaab beeleed u abaabulan.

Maanta oo Axad ah lama soo sheegayo wax rasaas ah oo halkaasi ka dhacaysa, waxaana wararku ay sheegayaan in magaalada ay ka deggan tahay sidii hore.

Waxaa xiran dhammaan xarumaha ganacsiga ee magaalada Marka, waxaana sidoo kale aad u yar isku socodka dadweynaha.

Dadka ku dhaqan magaalada Marka qaarkood ayaa naloo soo sheegaya ain saakay ay ka barakaceen xaafadihii ay deganaayeen, gaar ahaan kuwii lagu dagaallamay.

Weli ma jirto waan waan toos ah oo la kala dhex dhigey dhinacyadan ku dagaallamaya magaalada Marka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News