U bood dhigaalka

Warbixin: 7-dan Hab Midkood Ayey Noqon Doontaa Doorashada Soomaaliya 2021-ka

Sheeko:Dalka

Guddiga madaxabannaan ee doorashada qaranka ayaa todobaadkan soo saaray illaa todobo(7) qaab ama hab oo doorashooyinka caalamka u dhacaan, kaas oo midkood la doonayo in laga hirgeliyo Soomaaliya 2021-ka.

Guddigan ay guddoomiyaha ka tahay Xaliimo Yarey, waxaa ay sheegayaan in shacabka qeybihiisa kala duwan laga doonayo in go’aan ka gaaraan sida iyo qaabka ugu haboon ee doorashada noqon karto, lana qaato hab ka tirsan 7dan qaab ee hoos ku qoran.

7da Hab Doorasho Ee Midkood La Qaadan Doono Doorashada 2021-ka:

1aad: Nidaamka   SNTV: Nidaamkan (The Single Non-Transferable Vote -SNTV)

Waxyaabaha Uu Ku Wanaagsan Yahay Nidaamkan:

  1. SNTV wuxuu  ku wanaagsan yahay dhanka metelaada  ama ka qeyb qaadashada xisbiyadda  tirada  kooban.
  2. Wuxuu  dhiirigelin siinayaa xisbiyada  si ay u noqdaan  kuwo si heer sare ah isku abaabula  una tilmaama  codbixiyeyaashooda musharrixiinta   si ay u kordhiyaan awoodda  ku guuleysiga  kuraasta lagu tartamayo.
  3. Nidaamkan, waxaa lagu ammaanay  in uu yahay mid si fudud  loo isticmaali  karo, loona fahmi  karo.

Aan ku Wanaagsanayn:

  1. Xisbiyadda  yar-yar  ee codbixiyeyaashoodu   ay kala baahsan yihiin  waxaa laga yabaa in aysan kuraasta helin, halka xisbiyada waaweyn  uu nidaamkan  u kordhinayo   kuraasta ay heli karaan.
  2. Khilaafaadka  hoose ee xisbiga iyo kala mabda’  duwanaanta  xisbiga oo kororta
  3. Nidaamkan  fursada  uu siinayo xisbiyadda  siyaasadda  ee ku aadan hanashada dhagaha codbixiyeyaasha  baahsan aad ayay u yar tahay.
  4. SNTV badanaa wuxuu  kenaaa codad la dayaco.

2aad: Nidaamka FPTP ama Nidaamkan First Past the Post

Ku Wanaagsan:

  1. Wuxuu si cad u siisaa fursad ay ku kala xushaan labada xisbi ee ugu waaweeyn.
  2. Codbiyeyaasha Wuxuu kor u qaataa dhisidda dowlad  hal xisbi ah.
  3. Wuxuu abuuraa mucaarad isku xiran marka loo eego sharci dejinta .
  4. Faa’iidooyinka  nidaamkan  wuxuu saameynayaa  xisbiyada siyaasadda  oo dhan .
  5. Wuxuu ka saartaa meesha xisbiyadda  xaqjiriinta  marka la dejinayo shuruucda .
  6. Wuxuu hagaajiyaa xiriirka deegaan doorashooyinka iyo dadka ay matalayaan maadaama ay dadka sharciga dejinayaa ay ka kooban yihiin dad kasoo jeeda deegaanada oo dhan.
  7. Wuxuu siiyaa codbixiyayaasha fursad ay ku kala doortaan dadka kale duwan halka awal uu kaliya kala dooran lahaa xisbiyadda oo kaliya.
  8. Waxay siii fursad ay musharrixiinta madaxa banaan ee aad loo taageero lagu doorto.
  9. Nidaamka FPTP waxaa si gaara loogu amaanay sida fudud ee loo isticmaalo loona fahmo.

Aan ku Wanaagsanayn:

  1. Waxa uu meesha ka saarayaa xisbiyadda  yaryar oon heleyn fursad metelaad
  2. Waxa uu nidaamkan  meesha kasaarayaa metelaada  dadka laga  tira badan yahay
  3. Waxa uu nidaamkan  meesha ka saarayaa dumarka oo aan saameyn ku yeelan  doonin  sharci dejinta. Waxa uu nidaamkan   dhiirigelin  karaa abuurka xisbiyo siyaasadeed  ee ku saleysan  qabiil,  heyb iyo asal-raac.
  4. Waxa uu nidaamkan  buunbuunin  karaa ereyga “gobolo xirxiran”  oo keeni  kara in  hal  xisbi ku guuleeysto  kuli kuraasta hal deegaan doorasho oo dhan.
  5. Waxa uu nidaamkan keenaa in codad badani qasaaraan kuwaas oo aanan loo isticmaalin  doorashada musharrax.
  6. Waxa uu nidaamkan  dhalin karaa codka oo kala qeybasama.
  7. Waxa uu nidaamkan dhalin karaa isbedel la’aan ku aadan dhanka fikirka  bulshada.
  8. Waxa uu nidaamkan  ku salaysan yahay xuduudeeynta  deegaan doorashooyinka  ka hor doorashada.

3aad: Nidaamka PR ama  proportional representation 

Ku Wanaagsan:

  • Saami qeybsi
  • Wadajirnimo
  • Metelaada dadka laga tirada badanyahay
  • Codadka qasaara oo yaraada
  • Dumarka oo ay u fududaato  in la doorto
  • Xuduudeeynta  oo aan ku xirneyn qabashada doorashada
  • Looma baahna in lasameeyo doorasho ku celin
  • Dadka maqan ayay fursad ay ku codeeyaan ayay siisaa
  • Xadidaa in halkii deegaanba lahaado hal xisbi
  • Dad badan oo codeeya

An ku Wanaagsanayn:

  • Metelaada juqraafi oo aad liidata
  • Arrimaha sla xisaabtanka oo aan muuqan
  • Nidaamaydaa Madaxweynaha ayaa u badan taageero dhanka shuruucda iyo dejintooda oo aad u hooseysa
  • lsbaheysidda ama dowladaha laga tiradda badan yahay ayaa u badan nidaamyadda baarlamaanka leh
  • Awooda badankeeda oo xisbiyada la siiyo
  • Keeni karaa in xisbiyadda xagjiriinta ah lagu daro qaab-dhismeedka shuruucda
  • In uusan awood u laheyn inuu xisbi awooda ka tuuro

4aad: Nidaamka Blocka

Ku Wanaagsan:

Nidaamkan  waxaa badanaa lagu amaanaa inuu siiyo codbixiyaha  fursad uu ugu codeeyo shaqsiyaadka musharrixiinta   ah ee deegaanada aadka u weyn kasoo baxa.

Nidaamkan  wuxuu  kordhinayaa  doorka xisbiyadda  marka lala barbardhigo  nidaamka  FPTP wuxuuna  awooda  u kordhiyaa  xisbiyadda leh isku xirnaan  iyo ismaamul wanaag.

Aan ku Wanaagsanayn:

Marka ay codbixiyeyaashu  dhiibtaan  codkooda  siiiyaana musharrixiin min hal hal xisbi kala metalaya,  nidaamkan  wuxuu  dhaliyaa faa’iido darooyin  sida saami qeybsiga oo yaraada.

Nidaamka wuxuu  abuuraa  kala qeybsanaan ka dhalata  xisbiga dhexdiisa.

5aad: Nidaamka Blocka Xisbiyadda

Ku wanaagsan:

lsticmaalkiisa  oo fudud.

Dhiirigaliyaa  xisbiyadda waaweyn.

Siiyaa xisbiyadda fursad ay kusoo sharaxaan musharrixiin   isku dhafan si ay u kordhiyaan  metelaada  dadka laga badanyahay.

Aan ku wanaagsayn:

– Nidaamkan  wuxuu  keenaa natiijooyin  saami qeybsi la’aan ah sida hal xisbi oo kuwada guuleysta kuraasta oo dhan.

6aad: Nidaamka  Labada Wareeg

– Wuxuu siiyaa codbixiyeyaasha  fursad kale ee ay wax ku doortaan  ama ay fikirkooda  ku bedelaan wareega labaad.

Wuxuu dhiirigeliyaa  ka dhex muujinta  danaha kala duwan  ee musharraxa  guuleysta Wuxuu nusqaamiyaa  kala qeybsanaanta  codadka.

Aan ku wanaagsayan   :

Wuxuu  nidaamkan  cadaadis badan saaraa maamulka  doorashada maadaama ay laba jeer  doorashadu  dhaceysa tusaale qarashka oo kordha.

Saami qeybsiga ayay hoos u dhigi kartaa. Abuuri  kartaa bulsho si aad ah ukala qeybsan.

7aad: Nidaamka isdhinacsocoshada  (parallel)

Ku:Wanaagsan

  • Waa loo dhan yahay (Inclusive)
  • Metelaada dadka laga tirada badan yahay ayuu ku wanaagsan yahay
  • Kala faquuqsanaanta xisbiga oo yaraata.
  • Nidaamka ugu fudud inuu dhaliyo is afgarad.
  • Lagu tashan karo.Codadka la qasaariyo oo yaraada

W/Q: Cabdi Caziz  Gurbiye,

Qoraalkan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan, Goobjoog News