U bood dhigaalka

Warbixin: 8 Sharci Oo Ansixintooda Ku Xiran Tahay Doorashada Ka Dhaceysa Soomaaliya 2021-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ee ay madaxa ka tahay Xaliimo Yarey, waxaa ay soo gudbiyeen illaa 8 sharci oo la’aantood la sheegayo in aaney macquul aheyn in Soomaaliya ka dhacdo doorasho 2021-ka.

Sharciyadan iyo qaar kale oo xeer hoosaadyo iyo xeer nidaamiyeyaal ah, waxaa ay muhiim u yihiin doorashada 2012-ka, ansixintooda la’aanteedna lama qaadi karo wax tillaabo ah, hadda waxaa ay marayaan heerar kala duwan, oo la socoshadooda ay muhiim tahay.

Sharciyada Iyo Xeer Nidaamyada Muhiimka U Ah Doorashada 2021-ka: 

1. Sharciga Dhameystirka Dib u eegista Dastuurka: sharcigan waxaa la sheegayaa in weli ay shaqo ku socoto, waxaana la filayaa in la dhameystiro 2018.

Sharciga Dastuurka waxaa ka mid ah: Doorashada madaxweynaha ma mid baarlamaani ahaa mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xuduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta sharuucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran.

2. Sharciga Doorashooyinka: Sharciga oo sidoo kale muhiim ah, waxaa la leeyahay shaqadiisa waa bilow, waxaana lagu wadaa in la dhameystiro dhammaadka 2018.

Sharcigan doorashada oo lagu magacaabo hooyada doorashooyinka, waa sharciga sal dhigga u ah dhammaan howlaha doorashooyinka, waxaa ka mid ah nidaamka doorasho ee dalka qaadan doono, nidaamka metelaadda ee kuraasta baarlamaanka federaalka ah, dhalashada iyo da’da codbxixiyaha, dejinta shuruucda xisbiyada sameymaya, sharciga iyo xuquuqda xisbiyada heer federal iyo heer maamul goboleed, xadeynta deegaan doorasho iyo baaxadooda.

3. Sharciga Muwaadinka: Sharcigan waxaa lagu waramayaa in uu diyaar yahay balse uu la yaallo golaha wasiirrada, inta badan waxaa looga hadlaa qeexidda muwaadinka Soomaaliga ah.

4. Sharciga Xisbiyada: sharciga waxaa uu ka mid yahay sharciyada diyaarka ah balse ay ku socoto dib u eegista, guddiga doorashada waxaa marar badan codsaday in sharcigan dib u eegis lagu sameeyo, arrinkan ayaa ka dhalatay talo soo jeedinta ururada dalka ka jira.

5. Sharciga Warbaahinta: sharciga oo hadda ku jira dib u eegis, waxaa ay Saxafiiyiinka Soomaaliyeed ku taliyeen in meesha la saaro soo magacaabista wasiirka warfaafinta ee  ‘Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS), iyaga oo sidoo kale codsaday in 9-ka xubnood ee guddiga tartan loo galo, arrintaas oo kalsooni darro ka dhex dhalin karta wasaaradda iyo saxafiyiinta.

6. Sharciga Isgaarsiinta: sharcigan Isgaarsiinta, waxaa la sheegayaa in la diyaariyay blase aan weli la horgeyn golaha shacabka si ay u ansixiyaan.

7.  Sharciga Xuduudaha: Sharcigan waxaa uu muhiim u yahay in maamul goboleedyada kala ogaadaan xuduudda mid weliba leeyahay, arrinta la yaabka leh, sharcigan weli lama diyaarin.

8. Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuqa: sharcigan oo sidoo kale muhiim ah, doorashada aan la’aantiisa la qaban karin, waxaa la sheegayaa in aan weli la diyaarin.

Sharciyadan ka sokow, waxaa jira xeer hoosaadyo iyo xeer nidaamyo aan la’aantood doorashada la qaban karin, waxaa ka mid ah:

Xeerarka dadka baahiyada gaarka ah, ololaha doorashada iyo qarashaadka ku baxaya, Hab-raaca howl-galka doorashooyinka, magacaabista murashaxiinta xisbiyada, xeerka xog siinta iyo toosinta xisbiyada si loogu caawiyo isu diyaarinta iyo dhaqangelinta doorashooyinka si waafaqsan sharcigan.

Xeerka xaddidaya isticmaalka ama bedelidda magacyada, astaanka ama midabka xisbiga, Xeerka dejinta qaabka xisbigu diiwaangelinaya ugu gudbiyo warbixin sanadeed ama xiliyaeed ku saabsan dastuurka, sharciga xaqiijinaayo warbixinta uu usoo gudbiyo xisbiga iney ku caddahay xisab-xir hantidhowka iyo xisaabaadka maaliyadeed ee la xiriira hantida, deymaha, dakhliga iyo kharashaadka xisbiga iyo xeerka hannaanka qoondada iyo maareynta sanduuqa iyo maaliyadda xisbiga iyo xeerar kale.

Waxaa kale oo jira in ay muhiim tahay in la diyaariyo xeerar sida: Hab-dhaqanka murashaxiinta, Hab-dhaqanka codbixiyeyaasha, Hab-dhaqanka xallinta khilaafaadka, Hab-dhaqanka murashaxiinta xisbiga, Habka xisbiyada u kharash gareeyaan lacagaha iyo musharaxiinta, habka calaamadaha iyo loogooyinka xisbiyada, Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, Maaliyadda xisbiga iyo warbixin sanadeed.

Waxaa intaasi dheer oo lagama maarmaan ah in la sheego waqtiga doorashada, muddada doorashada iyo wareegyada doorashada.

Sharciyad loo baahan yahay ee hadda diyaarka ah waxaa ka mid ah: xisbiyada siyaasadda iyo nidaamintooda, Hab-raaca diwaangelinta xisbiyada, Nidaamka diwaangelinta codbixiyeyaasha, xeer hoosaadka guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka, Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, Hab-dhaqanka kor joogtada gudaha iyo dibadda, Hab-dhaqanka xallinta dhaqaalaha xisbiyada iyo murashaxiinta.

 

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News