U bood dhigaalka

Warbixin: Bangiga Adduunka Oo Farmaajo Hordhigay 8 Qodob Oo Lagu Kordhin Karo Dhaqaalaha Soomaaliya           

Sheeko:Dalka

Bangiga adduunka oo warbixin ka soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya todobaadkan waxaa uu ka deriyay guud ahaan heerka dhaqaalaha dalka, gaar ahaanna  dakhliga xukuumadda iyo siyaasad la’aanta heysata dowladda federaalka ah, waxaa uu dowladda hordhigay qorshe  illaa 3 weji ah oo fulintiisana u baahan dhaqan gelin, aqoon, hufnaan iyo isla xisaabtan dhab ah!!

Miisaaniyadda Xasan Kheyre:

Xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Khayre, waxaa ay soo gudbisay miisaaniyadda 2017-ka, Miisaaniyadda waa mid liidata oo ay muran ka keeneen maamul goboleedyada, xubnaha golaha shacabka iyo bulshada, welina waxaa ay la taallaa golaha, xukuumadda waxa ay golaha Shacabka horay u siiyeen fursad ay dib u eegis ugu sameeyaan miisaanidda 2017-ka laakin nasiib darro kama faa’ideysan!

Inta badan miisaaniyadda ay xukuumadda ay soo gudbisay waxaa ay ku baxeysaa  Kharashaadka  amniga, Mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo Agabka, taa oo ka hor istaageysa sida ay sheegtay in shacabka helaan adeeg caafimaad, waxbarasho iyo in la gaarsiiyo kobaca dhaqaale, waxaa ay sidoo kale sii xoojineysaa shakiga ay canshuur bixiyeyaasha ka qabaan dowladda oo ah  in lacagta laga qaado aan shacabka  loogu qaban adeegyo waxtar u leh sida ka dhacda dunida kale!

Miisaaniyadda xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Khayre waxaa ku qoran arrimo aan la fahmi karin sida dowladda in aaney wax xog ah ka heyn shirkadaha gaarka ah sida shirkadaha quwadda korontada, hoteelada, shirkadaha isgaarsiinta, biyaha, NGOs-ka iyo shaqaalaha ajaanibta, waxaa intaa dheer sharciyadii dhaqaalaha kor u qaadi lahaa oo weli xukuumadda laga sugayo, waa sharciyo aan isbadal lagu sameyn wax ka badan 25 sano!…. iyada oo sanadkan rajo beel  xagga dhaqaalaha muuqato ayey bangiga adduunka si fudud talooyin waxtar leh u siinayaan dowladda Soomaaliya, arrintaas oo fulinteeda u baahan karti, howlkarnimo iyo dowlad xoogan!

Bangiga Adduunka: warbixin bangiga adduunka  oo aad u dheereed waxaa ku jira arrimo xiiso badan heerka uu dhaqaalaha dalka joogo, qoraalka Bangiga Adduunka, waxaa lagu sheegay in aabaartii dalka ka dhacday sanadkan ay horseeday khasaare dhaqaale oo gaaraya illaa $2 Bilyan, Khasaaraha ayaa kala ah: Xoolaha dhintay waxaa lagu qiyaasay $1.3 illaa $1.7 Bilyan halka dalagga baaba’ay lagu sheegay $60 Milyan, arrintan waxaa ay saameyn ku yeelatay guud ahaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo khatarta nolosha 6.2 Milyan oo 320,000 ka mid ah caruur yihiin, caruurtan 50,000 waaba tacbaan ayaa warbixinta lagu sheegay, , waxaa kale uu shuban biyood soo ritay illaa 41,250!!

Dhaqaale ahaan, 2016-kii, kobaca Soomaaliya gaar ahaan GDP waxaa uu gaaray 2016-kii $6.2 Bilyan, Dakhliga gudaha(Canshuuraha iyo Ijaarka) waa halka dhibaatada ka jirto, dakhliga canshuuraha gudaha waxaa uu GDP ka yahay 2%, arrintan oo aad uga hooseysa celecliska wadamada saxaraha ka hooseeya oo lagu qiyaasay 17%.

Hadaba, Bangiga adduunka, waxaa uu Soomaaliya kula taliyay iney qaaddo tillaabooyin qaran oo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee horumarinta(NDP) si kobaca canshuuraha ee GDP-ga loo gaarsiiyo 2022-ka illaa 13% halka uu hadda ka taagan yahay 2%. Talada bangiga dhexe, waxaa uu u qeybiyay 3 weji, xilliga gaaban(short time), mid dhexe(mid-time) iyo marxalad fog(long time), halkan waxaa ku soo gudbinayaa talada xilliga gaaban(short time) ee bangiga dhexe kula taliyay Soomaaliya.

8 Qodob Oo Dowladda Federaalka Kor Ugu Qaadi Karto Dhaqaalaha Dalka:                                                        

1. In qiimo wax lagu canshuuro: Bangiga adduunka waxaa uu leeyahay canshuuraha hadda laga qaado waxyaabaha Soomaaliya dibadda uga yimaado waxaa lagu qiimeeyaa miisaanka ama culeyskiisa ee lama fiiriyo qiimaha sheyga uu joogo, waxaa dowladda lagu taliyay in shey kasta oo dalka soo galo, canshuurta lagu saleeyo qiimaha uu joogo ee aan la fiirin miisaankiisa.

2. Yareynta Canshuur Dhaafka: Bangiga adduunka waxaa uu dowladda Soomaaliya kula taliyay in ay yareyso alaabta iyo waxyaalaha loo sameeyo canshuur dhaafka, taasi oo haddii ay soo socoto dhaqaalaha hoos u dhigi karta.

3. 5% Waxyaalaha La Dhoofiyo: Bangiga waxaa uu soo jeediyay in la kordhiyo canshuurta waxa dalka laga dhoofiyo 5%, waxyaabahaas sida uu sheegay waxaa ka mid ah: Xoolaha, dallaga, Khudaarta, Malayga iyo waxyaale kale.

4. Canshuurta ganacsiga Aan Dheefta Laheyn: Bangiga waxaa uu soo jeediyay in ganacsiga ay ka midka yihiin sigaarka, Qaadka, Tubaakada, Shidaalka, Matoorrada, Baabuurta si KMG ah loo canshuuro 10% illaa 50%.

5. Canshuurta shaqaalaha: Bangiga adduunka waxaa uu dowladda Soomaaliya kula taliyay in ay canshuurta ka qaadaan dhammaan shaqaalaha kuwa iyada u shaqeeya iyo  kuwa gaarka ah, gaar ahaan shaqaalaha gaarka ah waxaa la soo jeediyay in canshuurta lagu dalaco qofka loo shaqeeyo ama shirkadda.

6. Canshuurta Isgaarsiinta: Bangiga adduunka waxaa uu qabaan karaka ku hadalka tusaale ahaan ay dowladda ka qaado canshuur dhan 5-10%, haddii sidaasi la sameeyo dowladda waxaa ay ka maarmi doontaa wax ka badan $5 Milyan ee ay hadda ka hesho isgaarsiinta.

7. Canshuurta Xawaaladaha: Bangiga adduunka waxaa uu soo jeediyay in la qaado 0.5 illaa 1%, haddii ay $1000 ka badato la dhimo, sanadkii haddii sidaa la sameeyo waxaa ay dowladda heli kartaa $13 Milyan oo Dollar.

8. Airport iyo Fiiso: Isticmaalka waxaa la soo jeediyay in la isticmaalo $40 oo qof kasta laga qaadi xitaa shaqaalaha UNka iyo diblomaasiyiinta, haddii dowladda ay sidaasi sameyso waxaa soo xaroon doona lacag dhan $10 Milyan.

Bangiga adduunka waxaa uu qabaa in la gaaray xilligii ay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ka wadaa hadli lahaayeen qeysiga kheyraadka, canshuuraha iyo arrimo badan oo dhaqaalaha muhiim u ah, xilliga la joogo maamul goboleed kasta wixii soo galo isaga ayaa isticmaalo dowladda dhexe wax lacag ah ma aragto.

Hadaba, Haddii aaney talooyinkan dowladda Soomaaliya dhaqangelin, waxaa uu GDP-ga canshuuraha sii ahaan doonaa 2022-ka ilaa 2.7%, balse haddii dowladda federaalka hirgeliso talada bangiga adduunka 2% GDP  2015 illa 13% GDP( US$ 1.1 Biylan) 2022-ka.

Waxaa xusid mudan in hadda dhaqaalaha gaar ahaan wadarta guud ee dakhliga canshuuraha gudaha waxaa uu taagan yahay 2% GDP, dakhligan waxaa uu daboolaa 60%(US 113 Milyan 2016). Haddii la hirgeliyo soo jeedinta bangiga ee xilliga gaaban(short time), waxaa  2022 la gaari karaa 6% GDP, haddii la qaato soo jeedinta bangiga dhexe ee xilliga dhexe(Mid time) waxaa la gaari karaa 2022-ka ilaa 9% GDP, balse haddii dowladda ay hirgeliso talada bangiga dhexe ee xilliga fog ama long time-ka waxaa 2022-ka uu GDP-ga gaari doonaa ilaa 13% arrintaas oo wax fiican ka badali doonta sida uu hadda dhaqaalaha yahay.

Ugu dambeyntii si dhaqaalaha kor ugu kaco, waxaa lagu taliyay in la helo degenaashiyo, Maalgelin iyo arrimo kale oo muhiim u ah kobaca dhaqaalah.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye.

Email: [email protected]

Goobjoog News