U bood dhigaalka

Warbixin Cusub: Soomaaliya Waa Dalka Labaad Ee Loo Dhinto Wasaqoobidda Hawada

Sheeko:Caafimaadka

Muddo Toboneeyo sano ah, wasaqoobidda hawada waxaa ay dhib ku heysay nolosha dadka, waxaa ka gaabiyay wax ka qabashada dowladaha iyo hey’adaha kale ee ku shaqada leh, waxaa la leeyahay wasaqoobidda hawada waa arrinta ugu badan ee ka dhasha waxyeellada cimillada, dadka u dhintay waxaa lagu qiyaasay 9 Milyan.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in wasaqoobidda hawada ay dhibaato ku tahay dadka dakhligooda hoose iyo xitaa kuwa meel dhexaadka ah.

Soomaaliya, waxaa loo aqoonsadey dalka labaad ee wasaqoowga hawada ay u dhintaan dadka ugu badan caalamka, kaliya dalka Bangladesh ayaa ka horreeya, sida lagu daabacay The Lancet Commission on pollution.

Dalalka ugu badan ee dadkooda u dhinteen wasaqoobidda hawada waxaana ugu daran dalalka Bangladesh iyo Soomaaliya halka dalalka Brunei iyo Sweden ayay ugu yar tahay dhibaatada iyo dhimashada ka dhalata wasaqowga hawada.

Inta badan cudurada loo dhinto ma aha kuwoo la iska qaado, waxaa ka mid ah : Xanuunada Qalbiga, Stroke iyo Cansarka Sambabada.

Wasaqeynta waxaa ay ka dhalataa meelaha hawada furan, wasaq hawada ku jirta iyo guryaha sida dhuxusha.

92% waxyeelladan waxaa ay ku dhacdaa dowladaha faqriga ah, wasaqda hawada waxaa u dhintay 6.5 Milyan, Biyaha iyo wasaqdooda ayaa ku soo xiga waxaa u dhintay 1.8 Milyan, waxaa kale oo wasaqda goobta shaqada u dhintay 800 oo Kun oo caalamka ku nool.

Goobjoog News