U bood dhigaalka

Warbixin: Dhacdooyinkii Guud Ee Isboortiga Soomaaliya Ee Sanadkii Dhamaaday 2017

Sheeko:Dalka, War

Sanadkii dhamaaday 2017 waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin badan oo horumar u ah guud ahaan isboortiga waxaana soo dhaweeyay bahweynta jecel guud ahaan qeyb kala duwan ee ciyaaraha dalka

Haddaba, Goobjoog News waxa uu akhristeyaashiisa dib u xusuusindoonaa-dhacdooyinkii ugu waaweyn ee guud ahaan isboortiga dalka laga diiwan geliyay sanadkii tagay 2017

01-Januar 2017:- Mo Farax ayaa lagu daray diiwaanka dadka la sharfay, Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ahaa in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay Sanadkii dhamaaday 2017.

22-February 2017:- laacibkii hore kubbada kolayga Jeenyo C/qani C/llaahi Hilowle o ku magac dheer (C/Qani Jeenyo) ayaa loo magacaabay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarad Maamulka-Goboleedka HirShabeele,

14-March 2017:-C/Risaaq Cali Maxamed Cabdiyow ayaa si rasmi ugu biiray kooxda Heegan, isagoo kaga soo biiray kooxda Banaadir SC,Cabdiyow waxaaa lagu xasuustaa goolkii Cecaf ee sanadii 2014

17-April 2017:- Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika Axmed Axmed oo bishii Maarso ku guleystay hogaanka sare ee Caf ayaa yimid Muqdisho,isaga iyo wafdi badan oo horkacayay waxayna booqdeyn garoomada kubbadda cagta a,iyagoo la kulamay Madaxeynaha iyo Raysalwasaaraha dalka.

26-April 2017:- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe” ayaa xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo kaas oo dib u dhis heer sare ah lagu sameeyay isla markaana la dhigay Cowska macmalka ah.

21-May 2017:- Garsoore Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Baari) ayaa dhex dhexaadiyay kulan ciyaareed u dhaxeeyay dalalka Mali iyo Angola ee Caf under 17 wuxuuna kulankaas ka dhacay wadanka Gabon

23-May 2017:- Gaari ay saarnayen ciyaartoyda kooxda Elman Cumar Muumin Daahir iyo C/llahi Mayow iyo Macalin leeliyaha ka ahaa kooxda Al-Aqsa ayaa lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,inkastoo weerarkaas uu sababay in ay u geeriyoodeen Macalin Yuusuf  Xeydar  oo caan ka ahaa degmada Afgoye ee Gobalka Shabeelaha Hoose iyo laacib Cumar Muumin Daahir (Zinbawe). 

24-May 2017:-waxaa magaalada Muqdisho ku dhintay laacibkii hore kooxaha Elman iyo Jeenyo Daahir Beerow, isagoo qeyb ka ahaa dadkii  ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Dekedda magaalada Muqisho

14-June 2017:- Xidigaha kubbadda kolayga Muqdisho City ayaa ka qeyb galay tartanka caasimadaha bariga iyo bartmaha Afrika ee (Africa City Challenge) waxayna tartankaas ka galeyn kaalinta 3-aad,iyagoo wacdaro ka dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo tartanka marti gelisay

18-June 2017:-Cabdi weli Max’ed Max’ud (Cabdi Joon) ayaa loo magacabaay kooxda Elman, isagoo horay ugu ciyaarayay wuxuuna jagadaas ka badalay tababare Robert Mayanag o u dhashay Uganda

02-Agust 2017:-naadiga kubbadda cagta Dekedda ayaa 19-sano ka dib ku guleystay horyaalka Soomaali Premier League waxaana u qaaday macalinkii hore kooxda Elman Yuusuf Nuur Cali (Yuu Cali)

08-Augst 2017:-kooxda kubbadda cagta Waxool ayaa ka badbaaday u laabashada horyaalka heerka labaad ka dib markii ay is reebtay dhigeeda Bariga Dhexe oo kala dhaxeeyay xiftaaltan xaga booska ah

10-August 2017:-xirfadyahan C/Casiis Maxamed Catoosh ayaa ka tagay kooxdiisa Dekedda,isgoo door kulahaa in ay kooxdiisa hanato horyaalka dalka 19-sano kadib wuxuuna ku biiray naadiga Heegan

17-August 2017:- Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii gidiga garsoorayaasha kubbada cagta dalka Cusmaan Jaamac Diraac.,dilka ayaa la sheegay inay geysteen kooxo ku hubeysanaa bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay Salaada Cishaha masaajid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda.

19-Augusta 2017:- gabi ahaan waxaa la joojiyay ciyaaraha kubbada cagta dalka  muddo 7 maalmood ah ka dib dil loo guleystay gudoomiyhii gudiga Garsoorka X.K..C dalka marxuun Cusmaan Jaamac Diraac.

08-Septemner 2017:-30-Sano ka dib waxaa magaalada Muqdsiho kuwada dheelay degmooyinka Waaberi iyo Hodan, iyagoo wada ciyaaray kama dambeysta tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobalka waxaana koobka qaaday wiilasha degmada Waaberi,waxaase Garsoore ka ahaa Max’ed Soomali

15-September 2017:-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdsiho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa daah furay  Koobka Jeneral Daa’uud 2017, iyadoo kooxda Muqdisho FC ay 3-1 kaga adkaatay Gaadiidka kulankii furitaanka

23-September 2017:-Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa lagu soo xeray horyaalka heerka kowaad ee kubbadda cagta oo markii ugu horeesay lagu qabtay degaanada Puntland waxaana ka qeyb galay sagaal naadi oo u diiwaan gasha xiriirka kubbadda cagta Puntland waxaana ku guleystay wiilasha Bari FC

05-October 2017:- Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Mukhtaar Ali Afgooye ayaa ka mid noqday xulka kubadda cagta ee Sacuudi Carabiya, iyadoo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay siisay dhalashada dalkaas.

Mukhtaar Cali oo 19 jir ah ayaa ah ciyaaryahan xirfad leh, wuxuuna ka ciyaaraa qadka dhexe, isagoo noqday   laacibkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ka qeyb galya tartanka koobka Adduunka 2018

14-October 2017:-musabadii ka dhacday isgoyska Zoobe waxaa lagu waayay saddex ciyaartooyd oo u kala ciyaarasay kooxaha Horseed,Waxool iyo Rajo waxayna kala ahaayeen Axmed Qadar oo ka tirsanaa Horseed,Mustaf Cabdi Xuseen oo ka tirsanaa Waxool iyo Deeq Xirse Maxamed oo qeyb ka ahaa Rajo

21-October 2017:- Wasaaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada xukuumada ayaa dhagax dhigtay xarun cusub uu ku shaqeyndoonaa xiriirka kubbadda dalka waxaana dhagax dhigay wasiir Khadiija Maxamed Diiroye oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad Fedraal iyo gduoomiyaha X.K.C C/qani Saciid

18-November 2017:-waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi iyo ciyaartoyda ka socday jaaliyada isboortiga dalka Australia,iyagoo kulamo saaxiibtinimo ku ciyaaray Gobalka Banaadir Maamul-Goboleedka Puntland iyo Soomaaliland

24-November 2017:-Garsoore Aweys C/llahi Sheikh (Aweys Blue) ayaa cadeeyay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga,isagoo ka mid ahaa garsoorayaasha ugu wanaagsanaa ee dalka soo maray

02-December 217:- Guddoomiyaha Xiriirka ee kubbadda Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa markii lixaad oo xiriir ah loo doortay guddiga fulinta xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, doorasho ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

08-December 2017:-magaalada Muqdisho waxaa ka furmay tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir waxaana lagu daah furay ciyaartooyda kooxaha Gobalka Banaadir iyo Jubaland waxaana 2-1 guul ku gaaray kooxda tartanka marti gelinaysay ee Gobalka Banaadir

22-December 2017:-xidigaha Jubaland ayaa loo caleema saaray tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir waxayna 1-0 kaga guleysteyn naadiga xafidaynaysay koobka ee Puntland waxaana goolka u dhaliyay laacib Yoonis C/Raxmaan Maxamed oo ahaa kabtankii Jubaland

24-December 2017:- Gudoomiyaha X.K.C dalka Cabdiqani Saciid Carba ayaa lagu soo daray xubnaha guddiga abaabulka ee tartamada xiriirka Caalamiga ah ee FIFA afarta sano ee soo socota.

25-December 2017:-waxaa magaalada Kismaayo laga dajiyay koobkii Maamul-Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir oo mudo bil ah si qurux badan ugu socday magaalada Muqdosho waxaana gacanta laga saaray madaxweynaha Dowlad-Gobleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

28-December 2017:-kooxda Banaadir Sports Club ayaa u dabaal degtay sanad guuradii 24-aad markii la aasay,waxayna ku gulaystay  koobab badan,iyadoo ugu dambeesay horyaalka iyo Somali Super-Cup 2016

29-December 2017:-kooxda kubbadda cagta Elman ayaa ku guleystay koobka Somali Super-Cup waxayna 1-0 kaga qaaday Dekedda oo ah kooxda horyaalka dalka waxaana gool ku laad loo dhigay u dhaliyay laacibkii hore naadiga Jeenyo Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman)

30-December 2017:-wasaarada holwaha guud iyo guryeenta dowlad Fedraalka dalka ayaa dib usoo celiyay kooxda kubbadda cagta L.L.p Jeenyo oo bartamihii 2017 ku dhacday xaalad jawheerar ah

31-Decmber 2017:-Shirkii sanadlaha xiriirka kubadda cagta dalka oo caasimada ku qabsoomay ayna kasoo soo qeyb galeyn xubnaha xiriirka kubada cagta oo ka kooban 25-ka koox waxaana laga soo saaray qodob aad u tira badan waxaana ugu muhiimsana in sanadka 2018 la abaabulo tartamo badan

Maxamed Xuseen Qalinle ayaa leh xuquuqda qoraalkan lamana qaadan karo iyadoo aanan la xiganeyn Goobjoog

Maxamed Xuseen Qalinle

[email protected]