Akhriso Shaxda: Lacag Ka Badan 21 Mliyan Oo Dollar Oo Ku Baxday Doorashooyinkii 2016/17

lacag hore

Baaritaan waqti badan qaatay kadib, Goobjoog News waxaa ay maanta akhristayaasheeda u soo gudbineysaa gunaanadka lacagtii ka soo xarootay doorashadii dalka ka dhacday shantii bil ee la soo dhaafay.

Inta aadan ogaan cadadka lacagta ka soo xarootay doorashada, marka hore aan ku xusuusinno qorshaha lacagta loo qoondeeyay doorashadii 2016/17 iyo halka ay ka imaaneysay lacagtaa.

Lacagta guud ahaan waxaa lagu sheegay Afar iyo Toban Milyan($14,000,000) oo loo rabo sidan in lagu helo: 60%=($8,400,000) Beesha Caalamka, 15%=($2,100,000) Dowladda Federaalka ah halka 25%=($3,500,000) la sheegay in ay tahay lacagta laga rabo murashaxiinta u tartamaya labada aqal, murashaxiinta guddoonka baarlamaanka federaalka ah iyo murashaxiinta madaxweynenimada Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Lacagihii Laga Helay Murashaxiinta ku Tartamay Doorashada 2016/2017

 Murashaxiinta Galay Tartanka  Baarlamaanka Federaalka Ah:

Shaxdan hoos ku qoran, waa dadkii tartanka baarlamaanka galay, ha guuleystaan ama ha laga guuleysta e, Lacagahan hoos ku qoran kuma jiraan murashaxiintii bixiyay lacagta balse loo diiday in ay tartamaan sababo la xiriira beel, jirro ama musharaxiin ay xannibtay qoondada dumarka.

Hannaankee ku timid Lacagta doorashada:

Ragga Murashaxiinta Baarlamaanka: Lacagta laga qaaday ragga u tartamay golaha shacabka waa $5,000. halka qofka ragga ah ee aqalka sare u tartamaya laga qaaday lacag dhan $10,000.

Haweenka Murashaxiinta Baarlamaanka: Haweenka waxaa laga qaaday aqalka hoose $2,500 oo ah 50% lacagta ragga laga qaado, halka aqalka sare laga qaadday  $5000 oo sidoo kale u dhiganta 50% inta ragga laga qaaday.

Lacagta Laga Qaaday Murashaxiintii U Tartamay Baarlamaanka Federaalka Ah:

Lacagta aan sheegeyno, waa lacagta maamul walba uu ka soo xareeyay tartamayaasha doorashada galay rag iyo dumar, iyaddoo la tixgelinayo in ay haweenka laga qaaday 50% inta ragga laga qaaday.

Puntland: Aqalka sare($205,000), Golaha Shacabka($505,000), wadarta guud waa $710,000

Galmudug: Aqalka sare($175,000), Golaha Shacabka ($497,500), wadarta guud waa $672,500

Hirshabeelle: Aqalka sare ($185,000), Golaha Shacabka($455,000), wadarta guud waa $640,000

Koonfur Galbeed: Aqalka sare($135,000), Golaha Shacabka($855,000), wadarta guud waa $990,000

Jubbaland: Aqalka sare($190,000), Golaha shacabka($582,500), wadarta guud waa $772,500

Somaliland: Aqalka sare($ 270,000), Golaha Shacabka($395,000), wadarta guud waa $665,000

Banaadir: Golaha Shacabka($72,500).

Guud ahaan wadarta ka soo xarootay murashaxiinta galay tartanta doorashada baarlamaanka federaalka ah ee dhammaan dalka waa $4,522,500.

Marka aan leennahay murashaxiinta galay tartanka, Goobjoog News waxaa ay diiwaangelin ku sameysay inta tartanka gashay oo keli ah, waxaa xusid mudan in ay jireen dad lacag bixiyay oo loo diiday in ay tartamaan sida aan kor ku soo sheegnay.

Lacagta Murashaxiinta guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah:

Murashaxiinta Guddoonka  Aqalka sare: $170,000

Murashaxiinta Guddoonka Golaha Shacbka:  $ 220,000

Lacagta Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya:

Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya: $720,000

Lacagta laga qaaday murashaxiinta guddoobka baarlamaanka iyo murashaxiinta madaxweynaha=1,110,000

Guddiga Xallinta Khilaafaadka:

Illaa 1219 cabasho ayaa soo gaartay guddiga xallinta khilaafaadka, ilo ku dhaw guddiga waxaa ay sheegeen in cabasho badan ay qabteen, lana diiwaangeliyay .

Hadaba, sida ku cad baarintaanka Goobjoog News, Murshaxiinta waxaa ka soo xarootay lacag ka badan $ 5,632,500, taas oo labo u jibbaar ka badan lacagtii la rabay, waxaa kaloo baaritaanka aan ku ogaannay in lacag ka badan $1,219,000 ay ka soo xarootay guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashada, wadarta labada lacag waa: $6,851,500,

Lacagtaas marka lagu daro, lacagihii 60%-ka ahaa ee beesha caalamka(60%=($8,400,000)  iyo 15%-kii dowladda federaalka ah(15%=($2,100,000), waxaa ay lacagta noqoneysaa mid aad u badan, waxaa intaa dheer lacagta ay laaluush ahaan u qaateen ergada doorashada.

Lacagta Soomaalida laga helay wadarteeda guud waa: $8,951,500, mark lagu daro lacagta beesha caalamka(60%=($8,400,000) iyo dalka Turkiga oo Afar Milyan bixiyay wadarta guud waa: $21,351,500

Waxaa jirtay lacago la siiyay ergada doorasho, qaar 600$ qaatay, qaar 200$, kooxna waxba lama siin, laakin haddii aan ka soo qaadno in ergadii 14025 ay heleen 400$ midkiiba, lacagta ku baxday waa: 5,610,000, lacagtii doorashada inta badan waxaa ay ku baxday ergo doorasho, dadkan oo ay aheyd in ay lacag la’aan ku codeeyaan.

Lacagahaasi doorashada waxaa lagu shubay labo koonta xisaabeed oo kala duwan, murashaxiinta baarlamaanka waxaa ay lacagta ku shubeen Dahabshiil account ee 104104638, waxaa la sheegayaa in loo wareejin doono Akoon ay leedahay hey’adda UNDP halka lacagta murashaxiinta guddoonka iyo midda murashaxiinta madaxweynimada lagu shubay xisaabta socota ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe.

Hadaba, waxaa jawaab u baahan dhowr su’aal:  sidee loo isticmaalay lacagahaas tirada badan?  waa imisa lacagta la isticmaalay? Waa imisa inta soo hartay?  yaa hayo lacagahaasi? Malaga soo bixiyay  Accontiyadii kala duwanaa? Ma jirtaa hey’ad u xil-saaran xisaabinta lacagta soo hartay? Yaa lacag siinaya dadka aan tartanka gelin ee weli lacagtooda laga heysto?

Goobjoog News mudadii ay baaritaanka wadday waxaa ay xiriir la sameysay guddiga doorashada dadban ee heer federal, guddiga waxaa ay sheegeen in ay diyaarinayaan warbixin guud iyagga oo dhawaan qaban-doono shir jaraa’id, isla markaana faahfaahin doona lacagaha soo xarooday iyo halka ay ku baxeen?

Goobjoog News,

Warbixintan, waa mid u gaar Goobjoog News, Lama qaadan karo, xigasho la’aan.

lacag dambe


error: Content is protected !!