U bood dhigaalka

Warbixin: Ganacsato iyo Aqoon Yahan Qiimeynaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda  Iyo Khasaare $4.6 Milyan Oo Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Warbixin ku saabsan Khasaaraha Ganacsi ee ka dhashay Xasilinta Caasimadda ee ay soo ururisay Idaacadda Goobjoog Business oo la mataano ah Goobjoog News, waxaa lagu sheegay in howlgalka xasilinta caasimadda uu keenay 10 maalmood keliya khasaare gaarayo $4.6 Milyan.

Qoraalkan oo muddo baaritaankiisa socday waxaan la hadalnay Bajaajley, Wadayaasha Caasiyada iyo Ganacsatada, waxaa kale oo aan la hadalnay Aqoon yahan iyo dad bartay culuumta dhaqaalaha.

Warbixintan kuma darin khasaaraha soo gaaray warshadaha xiran, wax soo saarka yaraaday xilliyada ciidda, Bakhaarrada iyo niyad jabka dadka Soomaaliyeed ka qaadeen in jidadkii oo xiran ay hadana ay jirto amni darri sida: qaraxyada ka dhacay Piza House iyo Posh, qaraxii degmada Wadajir iyo kii ka dhacay Saldhigga Waaberi, guud ahaan dhimashada qaraxyadaas waa 50 iyo dhaawaca oo ka badan 55 qof.

Hadaba, Akhriso qoraalka Khasaaraha Maaliyadeed Ee Xasilinta Banaadir: 

Bajaaj: Waaxda Canshuuraha gobolka Benaadir waxaa ay Goobjoog u sheegeen in ay diwaangeliyeen 13,750 Bajaaj, kooxdan ayaa maalintii heli jiray 25.19 halka inta howgallada ay socdaanna uu soo galo 16.04 doollar oo markii aan boqoleey aan ka dhignana noqoneysa inuu jiro hoos u dhac  dhan 36% ama $9.15

Sidaa darteed, halkii maalin dadka bajaajka ku shaqeysta oo dhan waxa ay qasaareen 13,750×9.15=$125,815.50

Halka Todobaadkiina ay qasaareen $125,815.50×7= $880,687.50

Halka Tobankii Maalin ee ugu dambeeyay ee uu howlgalka socdayna ay qasaareen  $1,258,125.00

Caasi (Gadiidka Dadweynaha, BL-ka):

Celcelis ahaan halkii caasi waxaa maalintiiba soo gali jirtay howlgalada kahor dakhli gaaraya 60.35 doollar, halka inta howgallada ay socdaanna uu soo galo 27.25 doollar oo markii aan boqoleey aan ka dhignana noqoneysa hoos u dhac 54% ama $33.11

Waxaan isku daynay in raadino tirada guud ee Caasiyada ka shaqeysa magaalada Muqdisho ee dadweynaha qaada, hase-ahaatee waxaan ku qiyaasnay in ay la’egyihiin 2/3 bajaajyada. Sidaa darteed waxaan ku qiyaasnay 9,167, waxaanna aaminsannahay in ay intaa ka badantahay.

Sidaa darteed, halkii maalin dadka caasiga ku shaqeysta oo dhan waxa ay qasaareen 9,167×31.11=$303,508.33

Halka Todobaadkiina ay qasaareen $$303,508.33×7 = $2,124,558.33

Halka Tobankii Maalin ee ugu dambeeyay ee uu howlgalka socdayna ay qasaareen   $3,035,083.33

Dukaamada

Celcelis ahaan halkii dukaan ee ku yaalla waddooyinka waaweyn ee Muqdisho waxaa maalintiiba soo gali jirtay howlgalada kahor dakhli gaaraya 53.01 doollar, halka inta howgallada ay socdaanna uu soo galo 21.90 doollar oo markii aan boqoleey aan ka dhignana noqoneysa hoos u dhac 58% ama $31.11

Madaamaa ay adagtahay in la tiro-koobo dukaamada ku yaalla waddooyinka Muqdisho, waxaan la xiriirnay degmooyin kala duwan hase-ahaatee waa ay suurogali waysay in dagmooyinkaas aan ka helno.

Si aan mala-awaal oo dhan aan ugu fogaanno oo aysan wax dood ah ka dhalan waxaan qaadanay in 1,000 dukaan ay ku yaalaan hareeraha waddooyinka magaalada.

Sidaa darteed, halkii maalin guud ahaan 1,000-ka dukaan waxa ay qasaareen 1,000×31.11=$31,110.00

Halka Todobaadkiina ay qasaareen $31,110.00×7=$217,770.00

Halka Tobankii Maalin ee ugu dambeeyay ee uu howlgalka socdayna ay qasaareen $311,100.00

Guud ahaan: Guud ahaan markii aan isku darno qasaaraha howlgaladan kasoo gaaray (sadexda qeyb) 10-kii maalin ee ugu dambeeyay howlgalka Xasilinta Caasimadda waxa ay noqoneysaa $4,604,308.33, waana lacag aad u badan oo ay heli-lahaayeen ganacsatadaas.

Guuxa Shacabka:

AQoonyahan xagga dhaqaalaha ah Yaxye Caamir ayaa Goobjoog uga waramay warbixinta isaga oo sheegay in ay howlgalka caasimadda uu saameeyay ganacsato iyo shacabka caadiga ah intaba.

“Meelaha qaar maba la mari karo oo hadii aad tagto tukaamada baabuurka meel aad dhigato ma lahan hadii aad lugeysana waxaa laga yaabaa in uu jidka kaa xiranyahay marka waxaa laga yaabaa ganacsatada in aysan helin intii ay heli jireen iyo culeys ka jira dhanka macaamiisha oo dadkii aan soo gaareyn taas waa wax jira, balse taas kaliya ma fiirineyno oo aniga laftigeyga waan dareemaa meel aan toban daqiiqo aan ku tagi jiry wan ku tagaa saacad”.

Mar uu ka hadlayey Yaxye Caamir cidda ay aheyd in howlgalkan laga tashto waxaa uu yiri “ Isbitaallada jidadkii Emergency  way xiran yihiin, dowladda waxay sameysatay Green Zone, oo lalayeeyahy ammaanka magaalada aan ka dhigno saddex qeyb oo kala horeysa aan ka dhigno qeyb aad loo ilaaliyo qeyb dhexe iyo qebta ugu dambeysa oo qofna aadeyn, in barnaamijkaan dhinacyada lagala tashto ayey aheyd khubaro dhaqaale iyo khubaro bulsho oo xitaa ganacsatada ay ka qeyb galaan, barnaamijkaan markii la diyaarinayay waxay aheyd in loo yeero rugta ganacsiga lagala tashto, qolada shaqaalaha in lagala tashto ayey aheyd waxa waa in ay muddo yeeshaan, muddo xadidan waa u dul qaadan karnaa, 3 todobaad haddii ay dhaafto waa in goobta laga guuro..dhinaca kale, Waxaa jira Qolo faa’ido heleyso ayaa jirta sida qolada Jaadka qada lacag ayey helayaan, shidaalka, bacyaasha raashiinka ciidanka loo geeyo, waxaa ay faa’ido helayaan.

Ugu dambeyntii, waxaa uu ka hadlay in shacabka ay dacweyn karaan dowladda “Tillaabo kasta in aan la qaadin in laga tasho, oo hadda shacabka waxaa ay awoodaan in dowladda ay dacwad ku soo ogaan”

Nin Bajaajle ah oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri““Waddooyinka waxaa lagu arkay Jaam aad u cariiri ah, waxaa kaloo lagu arkay haddii aad dad soo qaado way ku dhibsanayaan, weyna  kaa dagayaan,  waxaa jira baaritaan badan in kasta oo baaritaanka fiicanyahay annaga dan nooguma jirto, sidoo kale waxaa jira hal mar ama labo mar hadaad rakaab qaado waad iska tageysaa”.

Ganacsade Electronic ayaa Goobjoog News kala hadlay waxaa ay dareemeen“Tobankii maalin ay wadooyinka xirnaayeen annaga hadaan nahnay bahda ganacsatada khasaaro ayaa noogu sugnaatay,  dadkii noo imaan lahaa oo ganacsiga soo aadi lahaa waxaa ay waayeen meel ay soo maraan, annaga waxaan gadno waa electronic  mana la qaad qaadi karo waxaa jira hoos u dhac badan macaamiishii noo imaan jirtay meel ay soo maraan malahan”.

Ugu dambeyntii Macalin Khaalid oo bare dhaqaale ka ah mid ka mid ah Jaamacaha Muqdisho waxaa uu yiri“ Waxa aad ogtahay markii wado la xiro micnaheedu waxaa waaye waxaa istaagi doona gaadiidkii wadadaasi mari jiray sidoo kale waxaa istaagaya dadkii mari jiray wadadaasi, sidoo kale waxaa istaagaya ganacsigii ka furnaa wadooyinkaasi oo haday ahaan lahaayeen tukaamada ama carwooyinka ama maqaayadaha cid walba oo wax ka qabsan jirtay wadooyinkaas xiran way istaagayaan”.

Dhankeeda dowladda weli ma sheegin xilliga ay ku egyihiin howlgalka xasilinta caasimadda, sidoo kale dadka looma sheego haddii howlgalkaas uu faa’ido soo gudbiyay, sharaxaad ku saabsan arrimaha la qabtay iyo waxa dhiman iyo mudada loogu talo galay, waa arrimo ay shacabka ka sugayaan dowladda.

Goobjoog News