U bood dhigaalka

Warbixin: Garbahaareey Illaa Galkacyo,  855 Qof Oo Isbitaallada La jiifa Shuban Biyood

Sheeko:Dalka

Abaarta iyo biyo la’aanta dalka ka jira, waxaa ay keentay in dad badan uu soo rito cudurka shuban biyoodka kaas oo hadda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, magaalooyin ka tirsan gobollada Gedo, Bay, Shabeelooyinka illaa Mudug dad badan ayaa xanuunsan, in ka badan 900 oo qof ayaa la soo sheegayaa.

Goobjoog News, weriyeyaasheeda ku sugan gobollada dalka waxaa ay soo sheegayaan in dad badani isbitaallada magaalooyinkaasi yaallaan halka qaar kale ay ku dhibban yihiin goobaha ay joogaan.

Gobollada ugu saameynta badan waxaa kuwa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadaba, halkan hoose ka akhriso, tirada dadka uu shuban biyoodka soo ritay iyo goobaha ay kala joogaan:

Gedo: Gobolka Gedo waxaa uu ka mid yahay goobaha uu ku badan yahay shuban biyoodka, magaalada Baardheere waxaa Isbitaal jiifa illaa 87 qof, Garbahaarey 75 qof iyo Buurdhuubo 29 qof, dhammaan dadkani waxaa lagu daaweynayaa isbitaallada magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Bay: Gobolkan waxaa uu sidoo kale ku jiraa gobollada ugu saameynta badan abaarta, dhowr magaalo oo gobolka ah waxaa yaallo dadka qaba shuban biyood, magaalada Aw-diinle waxaa isbitaal yaalla: 180 qof, Qansax-dheer: 80 qof, Goof-gaduud: 140 qof, Buur-hakaba: 50 qof iyo Baydhabo: 84 qof, dhammaan dadkaasi waa bukaan hadda jiifa isbitaallada magaalooyinkaasi gobolka Bay.

Shabeellada Hoose: Gobolkan waxaa jirta dhibaatada abaarta, waxaa jira xanuunka shuban biyoodka, tusaale ahaan magaalada Baraawe waxaa ku xasuunsan 11 qof, Qoryooley: 21 qof iyo Afgooye oo ay jiifaan illaa 15 qof, dhammaan dadkaasi hadda ayaa isbitaallada lagu dhabiibayaa.

Shabeellada Dhexe: gobolkan magaalooyin ka tirsan waxaa jiifa isbitaallada dad qaba xanuunka shuban biyoodka, magaalada Balcad waxaa isbitaal yaalla 13 qof, Maandheere: 20 qof iyo Jowhar oo ay jiifaan illaa 15 qof, dadkan hadda ayaa lala tacaalayaa.

Hiiraan: Gobolkan sida uu Goobjoog News u sheegay Maxamed Khalif isku-duwaha caafimaadka gobolka ma jiraan dadka hadda isbitaal shuban biyood ku la xanuunsan, marar waxaa jirtay uu sheegay in dad ku xanuunsadeen Far-libaax, Halgan iyo meelo kale balse hadda dhibaatadaasi ma jirto.

Galgaduud: Si la mid ah Hiiraan, gobolkan kama jirto dhibaato shuban biyood ah, Cadaado waxaa jirtay in la keenay dhowr qof, dadkaas oo laga keenay Iidoole waxaa la sheegayaa in ay bogsoodeen, xitaa dad shuban ku dhacay oo deganaa xerada barakacayaasha ee Badbaado waxaa la sheegayaa in hadda ay caafimaad qabaan.

Mudug: Magaalada Galkacyo waxaa la sheegayaa in ay jiifaan isbitaalkeeda illaa 35 qof, dadkaasi oo hadda la daaweynayo.

Guud ahaan tirada dadka shuban biyoodka u jiifa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa ay kor u dhaafayaan illaa 900 oo qof, waxaa socda dadaallo lagula tacaalayo daaweyntooda.

Dalka waxaa ka jira biyo la’aan baahsan, abaar iyo amni darro, waxaana la sheegayaa in dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin gargaar degdeg ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka dhibaateysan.

Goobjoog News