U bood dhigaalka

Muqdisho: 84 Qof Lagu Dilay Hal Bil, Odoyaal Iyo Shacab Toos Loo toogtay, Akhriso Dilalka Dhacay January Kadib

Sheeko:Dalka

Waxaa bishii la soo dhaafay aad u kordhay weerarrada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho marka la bar bar-bar dhigo January iyo doorashada madaxweyne Farmaajo ka hor, dhimashada waxaa ay korortay illaa 28.5% halka dhaawacana uu sare u kacay illaa 38.8%.

January 2017-ka, dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhacay waxaan ka xusi karnaa: qarax ka dhacay bar kontorool oo u dhaw saldhigga AMISOM ee Xalane iyo Hotel Peace oo 10 ka badan ku dhinteen, qarax ka dhacay maqaahi ku taallo Tarabuunka oo 3 ku dhinteen iyo mid kale oo ka dhacay Hotel Dayax oo 28 ku dhinteen 51-na ku dhaawacmeen, inta kale

January, guud ahaan dadka Muqdisho lagu dilay waxaa ay gaarayeen 60 qof halka dhaawacana uu ahaa 57 qof, tiradan waxaa ay ka yar tahay wixii dhacay doorashada madaxweynaha.

Bishii January dadka la dilay waxaa ay u badnaayeen shacab ku geeriyooday qaraxyo, ma jirin hal Oday dhaqameed la dilay, NISA iyo hey’adaha ammaanka waxaa laga dilay 4 qof.

Bishii February, gaar ahaan doorashada madaxweyne madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib, waxaa kordhay qaraxyada iyo dilalka tooska ah, tusaale ahaan, doorashada Farmaajo kadib waxaa Muqdisho lagu dilay in ka badan 84 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 78 qof.

Muddadaas bisha ah,  in ka badan 38 qof waxaa lagu dilay qaab qorsheysan oo toos ayaa loo toogtay, waxaa kordhay dilka loo geystay oday dhaqameedka, oo in ka badan 5 oday dhaqameed ayaa hal bil gudaheed la dilay, waxaa intaa dheer saraakiil ka tirsan ciimada nabad-sugidda.

February 2017-kii,  wixii ka dambeeyay, waxaa dhacay dhowr qaraxo oo uu ku jiro Qarax ka dhacay Kaawo-godey oo ay ku dhinteen in ka bada 30 qof iyo qaraxyo kale oo kuwa maanta ugu dambeeyeen,  guud ahaan tirada shacabka ka dhimatay waa 67 qof

Si ka duwan January, bishii la soo dhaafay, waxaa la dilay illaa shan(5) Oday-dhaqameed, waxaa ka mid ahaa:  Nabadoon Bashiir Maxamed Cali (Xagaley), Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne), Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim iyo nabadoonno kal, waxaa kaloo la dhaawacay labo oday dhaqameed, Odoyaashan waxaa ay qeyb ka ahaayeen doorashadii dalka ka dhacday 5-tii bil ee la soo dhaafay.

Bishii tagtay, waxaa sidoo kale aad loo dilay ciidanka nabad sugidda ee dowladda illaa 12 qof ayaa ka dhimatay, inta badan waxaa ay ahaayeen dilal toos ah iyo qaraxyo gawaari.

Xilligan kala guurka ah, waxaa muuqata in ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka baxay, dowladda waxaa ay leedahay ciidamo jooga magaalada min laan iyo gobolka Banaadir guud ahaan kuwaas oo isugu jira Booliis, Nabad Sugid iyo Militari, waxaa la sheegaa in xukuumaddii Cumar Cabdirashid ay aheyd in weli shaqeyso, sidaas ay tahay dilalka iyo qaraxyada waa ka soo dareen.

Dalka waxaa uu ku jiraa xilli kala guud ah iyo marnaan xagga siyaasadda ah, waxaa lagu mashquulsan yahay dhismaha xukuumad, isla xisaatanka ayaa aad u yar, su’aasha mar walbo jawaab u baahan waa: Aaway maamulka amnigii caasimadda? Maxaase isku xiray kala guurka xukuumadaha iyo amniga?  Yaase lagula xisaabtamaa?

Goobjoog News