U bood dhigaalka

Warbixin: Puntland Mowqif Kama Qaadan Karto Arrimaha Dibadda, Waana Danbi, Sharci-yaqaanno

Sheeko:Dalka

Maamul goboleedka Puntland ayaa arbacadii soo saaray war saxaafadeed ay ku sheegayaan mowqif ay ka qaateen xiisadda Khaliijka, iyaga oo si cad ula saftay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka,  oo ay leeyihiin waxaa ay Garoowe la leeyihiin xiriir Istaratiiji ah gaar ahaan ammaanka iyo ganacsiga, waxaa sidoo kale ay  dowladda federaalka ah ugu baaqeen iney dib u eegis ku sameyso go’aankii ay ka istaagtay xiisada diblomaasiyadeed ee Khaliijka.

punt

Saacado kadib, isla warqaddaas oo kale, waxaa soo saaray madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble, waxaa horay go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee dhex-dhexaadnimada ahi u diiday mamaulka Somaliland.

hir

Imaaraadka Carabta, oo isticmaalaya awood dhaqaale iyo mashaariicda ay ka fuliyaan maamul goboleedyada dalka, ayaa waxaa muuqata in dowladda federaalka ah aaney  ku nabadgeli doonin mowqifkeeda dhex-dhexaadnimada ah, Abuu Dhabi waxaa ay maamul goboleedyada cadaadis ku saareysaa  in ay arrintan ka hadlaan, si Villa Somalia uga laabato mowqifkeeda dhex-dhexaadnimada ah!

Abuukate Proff Ciise Axmed Warsare oo mowqifka maamul goboleedyada guud ahaan, gaar ahaan midka Puntland kala hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in maamulladaasi ay baarlamaanka ku leeyihiin Xildhibaanno matala, aqalka sarana uu si toos ah u matalo maamul goboleedyada dalka, go’aanka ay dowladda qaadatana uu yahay mid ay u dhan yihiin dhammaan awoodaha dowladda federaalka ah, isla markaana aaney ka hor iman Karin maamul goboleedyada.

Proff Ciise Axmed Warsare oo ah abuukaate madaxbannaan ayaa intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay gaar u leedahay arrimaha xiriirka arrimaha dibadda, sidaana uu qabo dastuurka qabyo-qoraalka ah.

Mar aan weydiiney Abuukaate Ciise haddii maamulka goboleedka dhib ka soo gaaro go’aanka dowladda federaalka ah waxaa ay sameynayaan, waxaa uu soo jeediyay Labo qaab “Haddii ay u arkaan go’aanka in dastuurka iyo xeerarka ka hor imaanay, waxaa ay aadi karaan maxkamadda sare ama waxaa ay soo mari lahaa xildhibaannada ugu jira labada aqal” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Dhinaca kale, Abuukate kale oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso ayaa waxaa uu leeyahay “Maamul goboleedyada Shuqul kuma laha arrimaha dibadda , gaf ayey ku tahay midnimda Soomaaliya, arrintaasina waa dambi lagu maxkamadeyn karo, waa ka hadli karaan ra’yigooda caadiga ah, laakin mowqifka guud ee arrimaha dibadda waa mid u gaar ah dowladda federaalka ah”

Sharci-yaqaanka oo hadalkiisa sii wata, waxaa uu yiri ‘Maamulladan waa in arrimaha dibadda u dhaafaan dowladda federaalka ah sida ku qoran dastuurka, haddii ay muran qabaan, waa in ay soo mariyaan aqalka sare, oo wakiil ka ah”.

Dhinaca kale, lama dafiri karo, xiriirka ay Imaaraadka iyo Sacuudiga la leeyihiin maamul goboleedyada sida ay halkaasi uga fuliyaan mashaariic horumarineed, arrintaas oo ka duwan Qatar, dalkaasi oo aan saameyn dhaqaale, mid militari iyo mid bulsho intaba ku laheen Soomaaliya.

Imaaraadka iyo Sacuudiga waxaa ku nool kana shaqeysto Soomaali badan, Xoolo iyo wax soo saar kale ayaa loo dhiifiyaa dalalkaasi, Abuu Dhabi, waxaa ay maamusha dekadaha Berbera iyo Boosaaso iyada oo daneyneysa Baraawe iyo Kismaayo, waxaa ay ciidamo ku tababartaa Xamar iyo Boosaaso

Fikradda ah, in Soomaaliya ay ka tagto dhex-dhexaadnimada, oo ay fiiriso maslaxadda guud, lana safato Sacuudiga iyo Imaaraadka kuma koobna dowlad goboleedyada, ee waxaa jira siyaasiyiin horay uga hadlay, kuwaas oo sheegay in danta dalka iyo dadkaba ay ku jiro dhanka Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Mowqifkaasi waxaa ka soo horjeeda mid kale oo adag, oo dhahaya, Soomaaliya waa dal madaxbannaan oo xor u ah taladiisa, waxaana la soo gaaray xilligii laga gudbi lahaa siyaasadda u yeeriska iyo haye raacnimada, waxaana lagu ammaaney go’aanka dowladda federaalka ah oo tusaale u ah madaxbannaanida umad iyo mid dalba.

Labadaadis mowqif oo ka dhex jira siyaasiyiinta, aqoon-yahanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo baxay go’aankan ay la yimaadeen qaar ka tirsan maamul goboleedyada qaar, iyada oo ay dhici karto in maamul goboleedyo cusub ay dowladda ka soo horjeestaan.

Hadaba, Halkee arrinta noqon doontaa? Malaga yaabaa maamulka Farmaajo inuu ka laabto go’aankiisii hore? Imaaraadka ma sii wadi doonaa Cadaadiskiisa si dowlad goboleedyo hor leh u taageeraan? Waa su’aalo Jawaabahooda la heli doono maalmaha soo socda.

Goobjoog News