U bood dhigaalka

Warbixin: Qaxootigii Dhadhaab Ka Soo Laabtay, Waxaa Gudaha Soomaaliya Ku Heysto Abaar, Gaajo Iyo Dagaallo

Sheeko:Dalka

Kumannaan Soomaali oo laga soo saaray xerada Dhadhaab ayaa waxaa ay barakac iyo macluul ku heystaa gudaha Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegtay hey’adda Amnesty International

Qaar ka badan oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay sheegeen in ay Kenya uga soo tageen markii dowladda Kenya sidaasi dalbaday, oo cabsi ay dareemeen oo markii hore iyaga aanay raalli ka aheyn in ay Soomaaliya ku soo noqdaan.

“Si ay qaxootiga u soo noqdaan, Kenya waxaa ay Soomaaliya ka sameysay waxyar oo amni ah balse qeybo badan oo dalka ah waxaa ka jira dhibaato badan sidaasi waxaa Amnesty International u sheegay Maxamed oo madax ka ah mid ka mid ah meelaha barakacayaasha joogaan.

“Qaxootigii Soomaaliya uga soo cararay abaarta, baahida iyo dagaallada ayaa mar kale lagu qasbay in ay dib ugu soo noqdaan, dad badan ayaa waxaa ay heysataa dhibaato la mid ah middii ay markii hore ka tageen, dibna uma noqon karaan”.

Soomaaliya oo dhibaato badan ka jiraan, waxyeellada dadka ee inta u dhaxeysay January 2016 illaa  October 2017 waxaa lagu sheegay  4,585 oo rayid ah.

Sida ay OCHA sheegeyso Soomaaliya hadda waxaa ka jira gaajo iyo abaar dad badan ay ka cabanayaan taasi oo u baahan gargaar degdeg ah.

November 2017 wixii ka horeeyay waxaa la diiwaan-geliyay  2.1 million oo barakacayaal ah, biyo yarida dalka ka jirta waxaa ay keentay in shuban-biyood u dhintaan ugu yaraan 1,155 intii u dhaxeysay January iyo July 2017.

Dhadhaab hadda waxaa ku nool illaa  240,000, 2016  dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay xireyso, taasi oo keentay in ay dad badan soo laabtaan, inkasta oo maxkamadda sare ee dalkaasi ka hortimid amarkaasi February 2017 hadana dadka weli waa ay soo laabanayaan.

Goobjoog News