Warbixin : Shaqaalaha Ajaaniibta oo Qaatay Shaqooyinka Yaryar ee Muwaadhiniinta Qaban Lahaayeen

shaqaalaha ajaaniibtaTan iyo intii xasiloonida ay kusoo laabatay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan caasimadda ayaa waxaa dalka yimid ajaaniib aad u badan oo soo shaqo tagay, kuwaasi oo ka yimid wadamada dariska qaarkood iyo waddamo kale.

Shaqaalaha oo markii hore dalka ku imanayay in ay leeyihiin xirfado sareeya oo dadka Soomaalida intooda badan aysan lahayn , ayaa laakiin muddooyinkani dambe qabanaya shaqooyinka yaryar oo ay qaban karaan dadka muwaadhiniinta, waxaana laga cabanayaa in shaqo la’aan ay dhigeen dad badan oo Soomaali ah.

Hadaba Goobjoog ayaa shacabka qaarkiis wax ka weeydiisey sida ay u arkaan shaqaalaha ajaaniibta ee dalka kusoo kordhay.

Mid ka mid ah dadka aan la hadalnay oo lagu magacaabo Cabdikariim ayaa yiri “ Waxaan maqlaa , indhahayguna qabtaan dad badan oo ajnabi ah oo ka shaqaynaya waddooyinka, dhismayaalka , iyo meelaha la midka ah iyo xitaa ciyaaraha, waxaa jira dad badan oo Soomaali ah oo muwaadhin ah oo baahan, kuwaas oo aan shaqo heysan, oo dagaaladii sokeeye saameeyeen”

Qof kale oo lagu magacaabo Salaad Axmed Ceynte ayaa yiri “ Wax badan baan kala socdaa ajaaniibta dalka joogta, waxaan arkay in dhismihii ay iyaga gacmaha ku hayaan, dhismahaas oo shaqaalo xoogsato ah ay ku noolaayeen, dhismaha, fuundigii, faryaamihii, iyo kuwii xoogsatada ahaa ee shubaayay, ay ku noolaan jireen, hadana gurigii 2 baabuur iyo 3 qofood dhiseyso , iyada oo dadkaasi la dhigey shaqo la’aan”

Dad badan oo Soomaali ah ayaa laftooda dalka dibadiisa u shaqo doontey, kuwaasi oo hadda dalka dib ugu soo laabanaya, waxayna fahamsanyihiin sharciyada waddamada kale ee adduunka ay kula dhaqmaan dadka ajaaniibta ah ee soo shaqo doontey, waxaa dadkaasi ka mid ah Shaacir Sheegoow oo sheegey in ay waajib tahay in dalka uu leeyahay sharci lagu xakameeyo ajaaniibta shaqooyinka ay qaban karaan, kaasi oo dhanka kale lagu illaaliyo shaqooyinka muwaadhiniinta.

Waxa uu dhanka kale ka hadlayaa sida dareenkiisa shaqaalaha ajnabiga ah ee Soomaaliya ka shaqeeya “Shaqalaha ajaaniibta waan ognahay in meel kasta gacanta galiyee, dhisme ha noqoto, maqaayad ha noqoto, illaa shaqada u hooseysa, wax walba lugta kula jiraan waan aragnay , shaqaalihii Soomaaliyeed ee muwaadhiniinta ahaana ay gidaarada gaajo iyo baahi la fafadhiyaan” .

Waxaan la xiriirney wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, waxaana nala hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda Aweys Sheekh Xadaad kaasi oo dareensan dhibaatada ay la yimaadeen shaqaalaha ajaaniibta ah.

“Markii hore dadka ajnabiga waxa ay nagu soo galeen in ay qabanaayaan shaqooyin ay dadka Soomaalida ah aysan qaban karin, markii waxa ay nagu soo galeen xagga gargaarka, markii dambe iyaga oo ganacsato la socda, shirkado iyaga oo la socda ayay nagu soo galeen, waxaa la dhahaa waa xisaabiye sare, waa farsame yaqaan sare, waa hebaloow sare, laakiin markii wixii sii socdeen oo aan ogolaanay, wixii way balaadheen, haddii ay balaadheen wixii waxa ay isu badaleen illaa kuuliga dhisaaya dhismayaasha, bulukeetiga ninka qaadaaya, jaajuurka qaadaaya, inuu iyaga noqdo, ninka gidaarka malaasaya , kabalyeeriga aad ugu tageyso maqaayad heblaayo iyaga ayuu noqdey, kabalyeeri inaga ma waayin , labo milyan oo waxaa joogta kabalyeeriyo ah oo Soomaali ah” ayuu yiri Agaasimaha.

Mar aan wax ka weeydiiney waxa wasaaradda oga qorsheysan shaqaalaha ajnabiga ah ayuu sheegey in ay wadaan qorshe ay ku tirakoobayaan shaqaalaha ajaaniibta ah, sidoo kalana ku dajinayaan shuruuc lagu maamulo dadka shisheeyaha ah ee Soomaaliya usoo shaqo doonanayo.

Shaqaalaha Soomaalida waxa ay leeyihiin ururo matala oo u dooda xuquuqdooda, waxaa ka mid ah dallad ay ku mideysanyihiin 8 urur shaqaale, waxaa dalladani guddoomiye ka ah Maxamed Cusmaan oo aan kala sheekeysanay arrintani shisheeyaha shaqooyinkii yaryaraa la wareegey.

Maxamed waxa uu sheegey in Soomaaliya aysan ku shaqaynin sharciyada adduunka sida sharciga shaqaalaha ururweynaha shaqaalaha adduunka ee ILO, shuruucdaasi waxaa ka mid ah in qofka xirfadiisa lagu shaqaaleysiiyo.

Taasi badalkeeda ayuu sheegey in shaqooyinka lagu helo qaab qabiil, dadka aan la qabiilka ahayn kuwa shaqada bixinayana aysan heleyn wax fursad ah, taasina ay boos u banaysay dadka ajaaniibta ah.

Waxaa jira doodo kale oo farta ku fiiqaya in dadka shisheeyaha ay ka shaqo qabad wanaagsanyihiin kuwa Soomaalida marka ay timaado saacadaha shaqada, iyo xajmiga shaqada.

W/D : Ibraahim Xaaji

W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo

Goobjoog News