U bood dhigaalka

Warbixin: Tirada Ay Saameysay Nafaqo Darrida, Barakaca Iyo Daacuunka 6-dii Bil Ee La soo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Dhibaato banii’aadamnimo ayaa weli ka jirta Koonfurta Soomaaliya, sida ay ku warameyso (UNOCHA), dadkii ugu badnaa ayaa waxaa uu soo ritay Daacuun, waxaa kale oo aad u kordhay nafaqa darrida caruurta heysata iyo barakaca.

Hey’adaha Gargaarka ayaa raadinayan lacag dhan $1.5 billion oo lagu caawin doono 5.5 million oo Soomaali ah, iyada oo la sheegayo in la helay 37% lacagtaas ka mid ah oo u dhiganta $557 million.

In kasta oo lacago lagu yaboohay shirkii London May 11-keeda hadana hey’adahan waxaa ay sheegayaan in weli la la’yahay $952 million.

Cuntada:

Wararka laga helayo hey’adaha cuntada waxaa ay sheegayaan in ay sii badanayaan caruurta nafaqa darrida loo dhigayo isbitaallada halkii ay ka ahaayeen 28, 600 January waxaa ay noqdeen 52, 200 February, 94 300 oo  March ah, 59,400 oo April ah iyo  97, 600 oo bisha May ah.

Tirada ugu badan waxaa ay aheyd bisha May, waxaana gobollada ugu badan ahaayeen  Banaadir/Mogadishu, Bay, Mudug, Galgadud, Bari  iyo Hiiran

Barakaca:

Barakaca dadka ayaa la sheegayaa in uu sare u kacay qeybta hore ee sanadkan 2017-ka, arrimaha sababta looga dhigay waxaa ugu weyn abaarta iyo amni darrida.

Sida ku qoran warbixin ay soo saartay hey’adda UNHCR, dad lagu qiyaasay  818, 000 ayaa barakacay inta u dhaxeysay January – June 2017, waxaa ku jira ayaa la leeyahay  662, 000 qof  (81% ) oo u barakacay arrimo la xiriira abaarta.

Cholera:

In kasta oo la wado dadaallo looga hortagayo cholera hadana waa laga adkaan waayey, sida lagu qoray warbixin ay soo saareen  wasaaradda caafimaadka iyo hey’adda WHO inta u dhaxeysa January 1 to June 18, 2017, waxaa la diiwaangeliyay tiro ahaan 53, 015 oo xanuunka soo ritay, 795 qof ayaa u dhimatay.

Gobollada ugu badan Bay (28%), Shabeellaha Hoose (10%), Banaadir (10%) iyo Geod (10%), waxaa kale oo gobollada qaar la sheegayaa in ay ku badnaayeen dhimashada hooyada sida Bakool (4.1%), Sanaag (2.0%), Toghdeer (1.9%) iyo Banadir (1.9%).

Waxaa qeybo ka mid ah ka da’aya roobab, waa markii 2aad oo sanadkan roobab socdaan, beerihii waxaa lagu wadaa tacab hadana tirada dadka dhibaateysan ee ay hey’adaha sheegaan isma badalin, arrintaas oo su’aalo badan keeni karta.

Dowladda Federaalka ah wax xog ah kama heyso NGO’ska dalka ka jira, sidaa waxaa sheegtay wasaaradda maaliyadda, arrintaasi waxaa ay keentay in hey’adahan aaney la socon sida qaranka wax u rabo, xilliga uu rabo, intooda badan waxaa ay fuliyaan mashaariic iyaga u gaar ah, arrintaas oo dowladda federaalka ah ku guul-dareysatay xakameytooda.

Goobjoog News,