WARBIXIN: Xaggee Looga Dacwoodaa Dowladda Haddii Ay Qalad Gasho?

Maxkamad

Tani waa dhacdada Sida maalin laha ah ay la kulmaan Bulsho ku nool dal ruuxa xilka haya aysan jirin Meel looga Dacwoodo, hadana dhibaatada uu geysto ay joogto tahay.

Qaran jabkii Dalkaan waxyaabaha laga dhaxlay waxaa ka mid ah in nidaamkii Sarreynta Sharciga la waayo, taasina ay qasabtay in dadweynuhu waayaan goob loogu hagaago Dacwad lagu oogi karo Masuul Xil Dowladeed haya.

Yuusuf Macalin Aadan Waxa uu dhibane u yahay Askari Ciidanka Xooggan ka tirsan, isagoo ka xaynaya Mooto Bajaaj isgoyska Banaadir ayay xabadi ka haleeshay gacanta qeybta Sare oo uu ka jabay, kadib maxaa dhacay.

“Xabadaan waxay igu dhacday aniga oo maraya Isgoyska Banaadir, anigu waxaan ahay Mooto Bajaajle,  gaariga waxaa uu ka yimid xagga Banaadir anigana waxaan ka imid dhanka digfeer wax ila hadlay oo joog i dhahay ma jirin xabadii sidii ayey iigu dhacday”.

Intaa kuma eka dhibaatada ay la kulmaan bulshadaan aan garaneyn qaabka loo dacwoodo ee dhibka joogtada ah la kulma.

AMISOM oo dalka ku joogto heshiis dowladdu saxiixday ayaa ka mida kuwa la sheegay in ay shacabka dhibaateeyaan hadana ay san jirin sharci si toos ah wax yeeladooda u saameynaya.

Munasar Maxamed Cabdi oo  Goobjoog wararka AMISOM u tabiya ayaa sheegaya in uu la kulmay dad ciidanka Afrika ah ee Soomaaliya ay dhibaateeyeen oo aan helin cid ay u dacwoodaan.

“AMISOM dhibaatooyinka ay geystaan hadaan ku hormaro waxaa jira in gawaarida Amisom ee gaashaaman oo adeegsanaya wadooyinka in dadka shacabka ay gaarsiiso dhibaatooyin oo iyadu ay ku sheegto shil aan ku talo gal aheyn,waxaa jira in haween ay kormareen gaadiidkooda kuwo kalana ay haleeshay rasaas ay rideen”.

Wada noolaashiyaha bulsho meel qura kuwada nool iyo sinaan-tooda waxaa ka qeyb qaata u hogaansamidda sharciga.

Dadku kuma kalsoona maxkamadaha dalka waana tan keentay in ay san dawcad ka gudbin Dowladda waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Diini Maxamed Diini guddoomiyaha jilayaasha aan dowliga aheyn ee Soscensa.

“Aslan labo hay’adood ayaa muhiim ah midna waa mid haddii qofka dhaqaalo haysto uu qareyn qabsan karo oo garyaqaan uu qabsan karo dhihi karana dacwadaas qof hebel ayaa dacwo ka ahay taas way u furantahay, laakiin maxkamad caadil ah taasna waxaa rajo beel ka dhigay maxkamadihii kalsoonidii shacabka ay ku qabeen oo aad u hooseyso,midda labaad waxay tahay inay jirto hay’ad kaa caawineysa inaad qof dacweysato ayaa rabtaa oo kaa gardaran ama dowlad ha ahaado ama shacab ha ahaado labadaba inaad dacweysato ayaa rabtaa dhaqaalihii ayaa lagaa saacidaa iyo aqoontii”.

Dastuurka ayaa ka hadlaya xuquuqda qofka.

Qodobka 39aad. Sixidda Ku-xadgudubka Xuquuqda Aadanaha

(1) Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda Aadanaha.

(2) Sixidda xadgudubyadaas waa in lagu helaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.

(3) Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.

Qodobka 40aad. Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga ah

(1) Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtaan waa in maxkamaddu ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin.

(2) Fasiraadda xuquuqdaan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ay naan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda.

(3) Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama xeer-beegti waa in ay tixgelisaa muhiimmada qodobbada Cutubkaan, intii suurtagal ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobbadaasi.

(4) Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Cutubkaan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.

Hadaba Waxaa haboon in dadweynuhu ay fahmaan qaabka loo dacwayn karo Masuul xil haya, waa kan Abuukaate Cali xalane oo qaab sharciyan ah u qeexaya wadada dacwadaas loo marayo.

“Marka la rabo in la dacweeyo qof iyo marka larabo in la dacweeyo qof mas’uul ah way kala saarantahay labo nuuc waaye qofka shaqsiga ah oo xubin ka haayo dowladda ama ka tirsan dowladda mucaamalaadka caadiga ah marka uu dadka lagalaayo si qof caadi ah ayaa loo dacweynaa oo dacwooyin madani ah ayay noqoneysaa,haddii xafiiska isagoo ka tirsan oo qoraal soo saaro warqada ama uu oral uu wax ku soo gudbiyo ama xafiis ahaan uu ku galo qalad waxaa loo dacweynaa shaqsiyad qaanuuni qofeed xafiiskaana la dacweynaa”.

Waa Muhiin in dadweynuhu helaan meel lagaga dacwoon karo Madaxda Xilka heysa si shacabku u dareemo in tixgalin uu siinayo sharcigu.

 

W/D: Cali Aadan Muumin

Goobjoog News