Warbixin: Xildhibaannada Labada Aqal, 91% Cag Ma Dhigin Deegaannadii Laga Soo Doortay!!

Baarlamaan

2 bil ka hor waxaa fasax galay Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo 29-kii April iyo 5tii May 2017-ka  la fasaxay golaha shacabka iyo aqalka sare sida ay u kala horeeyaan, xilligaasi  waxaa loo sheegay xildhibaannada  in ugu yaraan 15 maalmood ay tagaan deegaan doorasho si dadka ay ku matalaan labada gole uga dhageystaan dhibaatooyinka heysta…laakin natiijada ayaa noqotay niyad jab, howl la’aan iyo fadeexad!

Goobjoog News ayaa baaritaan qotodhee ku sameysay in Xildhibaannada ay tageen deegaannadii ay ka soo jeedeen iyo in kale, waxaan arrintaasi aanu la kaashanay weriyeyaasheena ku sugan dhammaan gobollada dalka, xog-wareysi aanu la yeelanay bulshada qeybaheeda kala duwan waxaan ku ogaanay in Xildhibaannada labada aqal 91% aaney cag dhigin deegaan doorasho iskaba daa in ay dhageystaan dhibaatada dadka ay matalaane, Xildhibaannada deegaannada tagay waa  9.11% oo keliya.

Inta badan Xildhibaannada waxaa ay u kala safreen daafaha dunida iyaga oo iska indho-tiray abaarta, dagaallada sokeeye, caafimaad darrida iyo dhammaan baahiyaha ka jira goobihii laga soo doortay, arrintaas oo fadeexad ku ah golaha shacabka iyo kan aqalka sare mar haddii ay ku fashilmeen mid ka mid ah shaqadii ay ku matalayeen shacabka!!

Puntland:

Deegaannada Puntland waxaa laga soo doortay 48 Xildhibaan oo labada aqal ah, mudaddii 2 bil ee fasaxa  ku jireen xildhibaannada baarlamaanka, wax ka yar 15 Xildhibaan ayaa tagay magaalooyinka Puntland (Garoowe, Galkacyo, Galdogob iyo meelo kale), waxaan ogaannay in qaarkood halkaasi u tageen qaraabo salaan iyo arrimo aan shaqo aheyn, inta Puntlnad dib ugu laabatay celcelis ahaan waa 31%, waa kooxda ugu badan ee dib u laabatay deegaanadii laga soo doortay.

Daahir C/qadir Ciiro oo horay xildhibaan federal ah u soo noqday ayaa sheegay in Xildhibaanka uu wakiil ka yahay shacabka, loona baahnaa xilliga fasaxa in uu tago goobta laga soo doortay, si dadka dhibaatadooda u xaliyo, haddii uu wax ka qaban-waayana uu golihiisa kula laabto.

‘Tirada ku soo noqotay, inta timid, ma qabo in ay 10 yihiin, iyaga oo weliba sidii la rabay aan active u aheyn oo aan bulshada qeybaheeda kala duwan la kulmin, oo aan la shirin”. Sidaa waxaa yiri Daahir Ciiro.

Dhowr Xildhibaan ayaa tagay Garoowe, waxaa ka mid ah Cali Gaab, Sharma’arke, Burhaan, Saciido Maxamed, Xildhibaan Waaberi iyo qaar kale, sidoo kale Xildhibaan Xaawo ayaa noqotay Xildhibaannada keliya ee tagtay Galkacyo.

Galdogob waxaa  tagay lix(6)  Xildhibaan, aqalka sare waxaa uga jiray Senator Farxaan, kooxdan waxaa ay shir ku qabteen guriga dowladda hoose, laakin maalintii xigtay waa safreen….waxaa dib u noqday Xildhibaan Daahir iyo Cabdirashid Gaboobe, labadaa ayaa bulshada ka dhageystay dhibaatada ay qabaan.

Gobollada Sool iyo Sanaag waxaa horay deeq dawo ah u gaarsiiyay qaar ka mid Xildhibaannada, howshan ma aheyn xilligii fasaxa, sidaasi waxaa xaqiijiyay weriyaheenna Khaatumo.

Galmudug:

44 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ayaa lagu doortay magaalada Cadaado, hadaba arrinta la yaabka leh ayaa ah ma jiro hal Xildhibaan oo deegaankaasi tagay muddadii fasaxa….Celceliska waa 0%, waa deegaanka ugu matalaadda xun dhammaan gobollada dalka.

Suldaan  Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa Goobjoog News u sheegay in aanu xitaa hal xildhibaan oo reer Galmudug ah  dib ugu laaban deegaankaasi, isaga oo la yaabay in dadkaasi aan la dhihi Karin caqli ma leh ama waa wax jira moog,  balse aaney aqoon danta loo doortay.

Cabdi Nuur Maxamed Faarax ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in iyada oo degaanka ay ka jirto abaar iyo dhibaato kale aanay Xildhibaannada dib ugu soo laaban.

Maxamud Cabdulahi Khasaaro oo ka mid ahaa ergada wax dooratay ayaa sheegay in Xildhibaan kasta markii dhar loo geliyay oo ay Xamar tageen ay dadkii iloobeen, Cabdiraxmaan Shaati Cadde waxaa uu qabaa in baarlamaankan 10aad uu ka liito kii hore.

Hirshabeelle:

Gobolka Hiiraan kama duwaneen gobollada kale,  illaa 4 Xildhibaan oo keliya ayaa tagay gobolkan sida Amina, Farxiyo, Cabdifitax iyo Cabdirisaq Dheer, kooxdan ayaa gobolka u tagay arrimo la xiriira abaaraha, celcelis ahaan waa 9% Xildhibaannada fasaxii laabtay.

Gobolkan Hiiraan waxaa uu ka mid ahaa sidoo kale gobollada ay ka dhaceen dagaallada sokeeye, mana dhicin Xildhibaannada in ay arrinkaas xil iska saaraan, iskaba daa in ay cabasho dhageystaane.

Magaalada Jowhar waa magaalo madaxda Hirshabeelle, waxaa lagu doortay illaa  46 oo labada aqal, xiriir aan la sameynay deegaannada shabaleellada dhexe waxaan ku ogaanay in gobolkaasi aaney tagin Xildhibaannada labada aqal.

Koonfur Galbeed:

Deegaanka oo ka kooban 3 gobol, waa 18 degmo, 6 Xildhibaan ayaa tagay Baydhabo, halka Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdullahi(Dr. Go) uu u gudbey dhanka magaalada Buurhakaba.

Xildhibaannada kale, waa Idiris Dakhtar, Cabdifitax Ibrhaim Geesey, Sheekh Aden Madoobe, Xildhibaan Maxamed Fanax iyo Xildhibaan Isgooye Deerow.

Xildhibaannadan halkaas tagay intooda badan waxaa ay u tageen qaraabo salaan, laakin 3dan Xildhibaan: Idiris Dhakhtar, Cabdifitax Geesey iyo Daahir Cabdi(Dr. Go) ayaa dadka si fiican uga wareystay dhibaatooyinkooda, kana soo qortay wixii cabasho ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay dadka deegaanka oo la hadlay weriyaha Goobjoog News.

Dhinaca kale, Shabeellada hoose waxaa la sheegay Xildhibaan Maxamed Dhalxa oo madaxweynaha Afgooye u raacay, isagana cidna lama kulmin, magaalada Marka oo dagaallo beeleed ka socdaan iyo xitaa Baraawe Xildhibaan tagay ma jirto.

77 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ayaa lagu soo doortay deegaannada Koonnfur Galbeed, in 7 Xildhibaan oo celcelis ahaan gaaraya 7% ayaa halkaasi tagay, oo xitaa inta tagtay ay arrimo qoys u tageen waa arrin fashil iyo shaqo xumo ah.

Jubbaland:

Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubblanad, waxaa tagay dhowr Xildhibaan, dad xog ogaal ah oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in ay halkaasi tageen Xildhibaannada kala ah: Iftin Xasan Mursal, Fartaag, Axmed Cabdi  Xafid Maxamud (Bulsho, Axmed Nadir, Axmed Xaashi, liiskan waa Xildhibaannada sida rasmiga ah bulshada ula kulmay, soona wareystay dhibaatada iyo cabashada ay qabaan.

In kasta oo ay jireen Xildhibaanno kale oo Madaxweynaha raacay, laakin dib ayey ula soo noqdeen oo cidna lama kulmin.

Jubbaland waxaa lagu soo doortay 51 Xildhibaan oo labada aqal ah, 5 Xildhibaan ayaa shaqadii laga rabay qabatay, Celcelis ahaan waa 10%, Waxaa isweydiin mudan  46-da kale maxay hayeen xilliga fasaxa? Waa maxay sababta ay baahida dadkooda uga doorbideen damaashaad iyo iney meelo kale tagaan?!!

Gedo:

Gobolka Gedo waxaa uu ka mid yahay gobollada dalka ugu dhibaatada badan, abaar iyo dagaallaba, waxaa uu ka kooban yahay 7 degmo, illaa 10 Xildhibaan ayaa ku matala baarlamaanka, doorashadii dhacday 2016-kii kadib, waxaa gobolka tagay bishii March Maxamud Cali Magan, waxaa uu la socday ku-xigeenka safiirka Turkiga iyaga oo halkaas geeyay deeq daawo ah laakiin arrintani fasax lama xairiirin.

Ugu dambeyntii, Sida uu qabo Qodobka 46aad ee dastuurka, shacabka waxaa uu leeyahay awood la xisaabtanka goloyaasha baarlamaanka, kuwaas oo kala ah:

(1)         Awoodda isxukunku waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka ku oogi karo la-xisaabtan.

(2)         Nidaamka matilaadda shacabku waa in uu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u siinaya inuu ka qayb-qaato; habraacyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo.

(3)         Nidaamka matilaaddu waa inuu ahaadaa mid si ku filan oo macquul ah uga hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada.

Hadaba, iyada oo Xildhibaannada ku guul-dareysteen in ay shacabkii soo doortay ay u tagaan, kana dhagestaan dhibaatada jirta sida abaarta, dagaallada iyo colaadaha soo noq-noqday ayey  dhici karta in Hotellada la dhex fadhiyaan fadhi ku dirir iyo Mooshin, Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ogaadeen  waxtarka Xildhibaannada labada aqal iyo shaqada ay ka adag yihiin oo ah: Hadal, Mooshin iyo Howl la’aan ah.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,