U bood dhigaalka

Warbixinta Guddiga Abaaraha Ka hor Akhriyeen Golaha Shacabka Oo Dhameystiran

Sheeko:Baarlamaanka

Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa ah mid baahsan safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobabkii la filaayay 4-tii xilli ee la soo dhaafay oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta hadda ka jirta dalka waxay saamaynta ugu badan u geysatay xoolaha, beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.

Roobka Gu’a April-June haddii uu da’o waxaa seddex bilood oo kale la sugayaa gurashadiisa haddii uusan da’in ama yaraado Qatar intaan ka badan ayaa laga baqayaa sidii 2011kii.

XAALADDA ABAARAHA DULAMAR GUUD

  1. Waxaa in ka badan 20,000 oo caruur ah nafaqo darro ku haysataa dhammaan gobollada dalka ilaa bilawgii sanadkaan waxaa ku geeriyooday 450 caruur .
  2. Waxaa macluul ay ku bilaabatay in ka badan 2.9 malyuun oo qofood.
  3. Waxa cunto yari ay soo wajahday 3.3 malyuun oo qof.
  4. Waxa ay galafsatay abaarta 70% xoolo nuuc walba is kugu jira.
  5. Waxaa degaanno badan oo dalka ah ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood.
  6. Waxaa guray wabigii Shabeelle, haddana waxaa isana guray Jubba.
  7. Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha.
  8. Waxaa degaannadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magaalooyinka waaweyn.
  9. Isku celcelis waxaa kaalmo u baahan in ka badan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed.

NATIIJADA KA DHALATAY ABAARAHA

  • Dhimashada dadka oo wali socoto cudurro iyo gaajo dhalatay abaarta awgeed.
  • Dhimasho xoolaha ku timid calaf la’aan iyo biyo la’aan awgeed.
  • Cudurro ku dhacay xoolaha.
  • Barkacayaasha oo ku soo badanaayo magaalooyinka waaweyn.

DHAKHLIGA SOO XAROODAY

Waxaa dowladda, dadwaynaha, qurbajoogta, ganacsatada dalalka iyo hay’adaha taakuleeya Soomaaliya ku deeqeen dhaqaale aanan ku filnayn baahida taagan oo aad u baaxadweyn awgeed. Lacagaha nasoo gaaray waxaan ka kala helnay:

Dowladda $623,968
Ururka Jaamacadda Carabta $91,835
Albeyrak-Dekadda $100,000
Dowladda Malaysia $100,000
Ganacsatada Gudaha $10,000
Ganacsatada Qurbajoogta

 

$128,221
Dadweynaha/Siyaasiyiinta $1,427,019
Wadarta Lacaga Soo Galay $2,481,043

 

GAARSIINTA DEEQAHA

Mgaca Maamulka

 

Lacagta 1aad Lacagta 2aad Raashin Dawo Deeq bixiye
Soomailand $200,000
Puntland

 

$150,000 $170,000
Jubbaland $170,000 $160,000
Koofur Galbeed 170,000 $150,000 38TM Jabuuti
Galmudug 170,000 $155,000
Hirshabeelle 160,000 $150,000
Banaadir 150,000 $100,000 20MT

 

147MT

 

Urdun

 

Hrmuud

Sool,Sanaag iyoCayn 0 $100,000
Wadart $970,000 $1,185,000
Wadarta Guud