U bood dhigaalka

Wareysi: Ciidamada Puntland Iyo Burcad Badeed Isku Hor-fadhiya Caluula Iyo Odoyaasha Oo Xal Raadinaya

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Gardafuu ee Puntland Shire Nuur Cusmaan ayaa Goobjoog News uga warramay sida ay tahay xaaladda degmada kadib dagaal dhex maray ciidamada puntland iyo burcad badeedka

“ Markabkii degmada Caluula lagu haystay warkiisii ugu dambeeyay haddaan ku siiyo marka wuu xiranyahay saakana xoogaa xabado goos goos ah ayaa dhacay, iska horimaadka waxa uu dhexmaray ciidamadii iyo qolodii markabka”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegayaa in aanay jirin wax khasaare ah

“Wax khasaaro ahna kama maqlin iska horimaadka odayayaal ayaa markii u soday markabka waxbaana soo kala xallinay anagaana ku jirana xalka hadana odoyaashii waxay go’aansadeen arintaan sidii loo furdaamin lahaa, haddii marka koowaad waxa aan damacsannay in xal nabadgalyo oo saliima dadkaas la haysto iyo hantidooda u sii deynno anigoo odoyaashii kaashanaayo sidaas ayaa maanta u fadhinaa”

Mar uu ka hadlayey cidda xabbada bilowday waxaa uu yiri “Xabadda cidna ma bilaabin waa la kala shakiyay qoloba qoloda kale ayaa waxay leedahay iyadaa bilowday , waa la isku muuqdaa oo kooxaha markabka haysta iyo ciidamada way isku muuqdaan, wayna iska arkaan labada qolo heegan iyo diyaar garow ayay ku jiraan .

Shire Nuur Cusmaan waxaa uu sheegay in uu soo arkay markabka, lana hadlay dhinacyada is hor fadhiya,  isaga oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri “Markabka anigu waan tagay ciidamadana waan u tagay waan la soo ballamay oo waxaan dhahay bal inta aan wax si dhahyno naga naga warsuga oo fursad nasiiya, khasaaro iyo wax dhib ah oo ay ii sheegeen ma jirto.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha waxaa uu sheegayaa in odoyaasha ay ka go’an tahay in la baa’biyo burcad badeedd “Waxay leeyihiin odayaasha wax la qabli karo iyo wax la soo dhaweysto maahan burcadbadeednimo, waxaana la isku waafaqsanyahy in burcadda meesha laga saaro,hadday waan waanta diidaan waan wajahaynaa khaasro walba ha ka dhashee.”

Goobjoog News