U bood dhigaalka

Wareysi Gaar Ah: Safiirka Mareykanka Oo Goobjoog Ay Ka Wareysatay La Dagaalanka Argigixisada, Qaadista Cuna-qabateynta Hubka iyo Burcad Badeedda

Sheeko:Dalka

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Michael Schwartz ayaa wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, wareysigan oo ka dhacay Muqdisho, waxa aan safiirka kala hadalnay xiriirka labada dal, sida Mareykanka u taageero ciidanka Soomaaliya, haddii ay ciidamo dagaal u joogaan gudaha Soomaaliya, cuna-qabateynta hubka iyo burcad badeedda.

Wareysigan oo ka kooban 3 qeyb oo kala ah:  Xiriirka labada dal, Arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha waxaa qaaday Weriye Axmed Weli Xuseen Maxamud, waxaana tarjumay Bashiir Maxamud Weheliye.

Qeybta 2aad: Arrimaha Ammaanka

Goobjoog News: Soomaaliya waxaa Mareykanka Ka jooga ciidan military, Bal Sharaxaad Ka Bixi

Safiirka Mareykanka: Aan kuu caddeeyo, waxaa inaga jooga ciidan Soomaaliya laakiin wararka sheegaya in ciidamo dagaallama aan soo dirnay ayaa been ah oo aan waxba ka jirin waxaa jira ciidamo Mareykan ah oo loogu talagalay in ay tababaraan ciidama Danab waana la sameeyey tababarkaas laakiin ciidamadeenu waxay la shaqeynayaan si ay u taageeraan kuwa AMISOM iyo ciidamad Soomaaliyeed labadooduba markii ay hawlgal waddo sifeyn ah sameynayaan iyo magaalooyinba laakiin sidoo kale tababarrada iyo wixii la mid ah si ciidamada Soomaaliya ay u xoogeystaan una bedelaan kuwa ka socda midowga Afrika una awoodaan inay maareeyaan ammaanka Soomaaliya.

Goobjoog News: Mudane Safiir ciidamadiinu waxa ay dagaalamaan wali askari ayaa la idinkaga dilay shabeelaha Hoose?

Safiirka Mareykanka: Xaaladdii nasiib darrada ahayd ee mid ka mid ah ciidamadeena lagu dilay wuxuu ahaa hawlgal la talin iyo caawin isugu jiray waxayna ahaayeen ciidamada Mareykanka ee caawinayey ciidamada Soomaaliya waxaana dhacay weerar si kedis ah sidaas ayaana lagu dilay mid ka mid ah ciidamadeena laakiin ujeedkeenu ma ahayn dagaal.

Goobjoog News: Marka laga soo tago tababaradda aad siisaan ciidanka, maxaad kale oo aad qabataan?

Safiirka Mareykanka: Haa sida aan kuu sheegeyba waxaan tababarro siineyna waaxda dambi baarista iyo qeybo ka mid ah boliiska waana ku ku shaqeeya tababarkaas waxaana diyaar weli ula nahay inaan kala shaqeyneyno sharciga  waxaan sidoo kale keenay barnaamijyo waxbarasho oo sanado socday laguna tababaray in ka badan in ka badan 2000 oo macallin oo jooga gudaha Soomaaliya tobanaan kun oo arday ahna waa ka faa’iideysteen manhajka waxbarasho waxaan sidoo kale la shaqeynaa xubnaha baarlamanka iyo kuwo kaleba laakiin tababarka ugu weyn waa waxbarashada macallimiinta, ardayda iyo militeriga iyo kuwo kale.

Goobjoog News: Madaxweynaha Somaaliya waxa uu shirkii London ku baaqay in Somaaliya laga qaado xayiraadda Hubka ee dalka Saaran haddii aad tihiin Mareykanka Gacan maka geysaneysan sidii loo qaadi lahaa Xayiraadaa?

Safiirka Mareykanka: Qaadista cunnaqabateynta waa arrin aad ugu wanaagsan Soomaaliya,  si marka loo gaaro waxaa looga baahan yahay Soomaaliya nidaam lagula xisaabtami karo hubka ay haysato, nidaamkaasna weli lama hayo but annaga iyo kuwa kaleba waxaan si dhaw ula shaqeynaa ciidamada Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga si ay awood ugu helaan si arrintaas loo gaaro, hadda cunnaqabateyntu waa mid xadidan Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay la socodsiiso guddiga qaramada midoobay marka ay keensaneyso hub nuucuu yahay ha ahaadee halka laga keenayo iyo ujeedada taariikhdana ma aysan dhicin in qaramada midoobay ay iska indha tirto codsi, sanadihii ugu dambeeyeyna Soomaaliya waxay keensatay in ka badan 30 milyan oo rasaas ah iyo in ka badan 20 kun oo qori marka waxaan isleeyahay nidaamka jira kuma adka Soomaaliya laakiin waxaan waafaqsanahay inay Soomaaliya xal u hesho sidii hubkaas loogula xisaabtami lahaa maxaayeelay ma dooneyno in hubkaas laga iibiyo ama gacanta u galo Alshabaab iyo dad la mid ah.

Goobjoog News: Howl-galo ciidan ayaad dhawaan bilaawdeen idinkoo duqeeyey meelo ka mid ah Gobolka Jubadda Dhexe maxaa soo kordhay?

Safiirka Mareykanka: Nidaam ahaan sidii aan kuu sheegeyba waxaan si dhaw ula shaqeynaa dowladda Soomaaliya ciidamada Soomaaliya boliiska Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika inagoo kasoo wada horjeedana qatarta argagixisada ee Alshabaab iyo ISIS wax kasta oo aan ka qabaneyno Soomaaliyana waxaa og oo la socda dowladda Soomaaliya marka waa xiriir wanaagsan oo aan ku caawineyno oo dani ugu jirto dowladda Soomaaliya iyo tan Mareykanka.

Shirkii London waxaa ka soo baxay qorshe qaran oo xagga aminiga ah , mareykankuna waxa uu ku jiray wadamadii saxiixay qorshahaas dhankiina maxaad ka hirgalineysaan?

Qaab dhismeedka ammaanka qaran ee cusub iyo heshiiska ammaanka waa tillaabooyin waaweyn oo horey loogu sii wadayo Soomaaliya waana heshiis ay gaareen Soomaalida wadahadleysa ee ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo heer gobol oo ay go’aan uga gaarayaan sidii ay u sameyn lahaayeen ciidamo cusub oo qaranka Soomaaliyeed yeesha, caqabadaha arrintaan ay leedahay waxay tahay sidii mas’uuliyaddaas la qaaday loo xaqiijin lahaa oo ay u dhaqangeli lahayd iyadoo dhibaatooyin badan ay ka soo horeeyaan kuwaasoo ah yaa hadda ah ciidamada qaran, ma kuwa hadda jira ma kuwa gobollada kuwa qabaa’ilka iyo wixii la mid ah yaa kusoo biiraya ciidamada qaranka Soomaaliya yaa noqonaya kuwa gobollada dhibaatooyin badan ayaa jira shaqo badan ayey tahay in laga qabto sdia tababarrada loo qabanyo in la dhiso nidaam mushaar lagu siinayo ciidamada waana muhiim in dowladdu ciidamada mushaar siiso waxaana ogahay in arrintaan ay mudnaan u leedahay madaxweyne Farmaajo marka waxaa jira arrimo badan oo adag kuwaasoo ay tahay in wax laga qabto lixda bilood ee soo socota iyo ka dambaba waxaana naga go’an inaan la shaqeyneyno Soomaaliya kana caawinno  sidii ay ku meelmarin lahayd nidaamkaan waxaana aaminsanahay in ciidamada Soomaaliya ay noqon doonaan kuwo wax tar leh.

Muhiim ma aha in lacag wax lagu maalgeliyo waxaan ku maalgelineynaa dad, dad ayaa halkaan noo jooga aniga waqtigeyga in badan oo ka mid ah ayaan halkaan ku bixiyey anigoo arrintaan ka shaqeynaya lana shaqeyneya saaxiibadeena kale berry waxaan la kulansanahay ra’iisulwasaare ku xigeen anagoo arrintaan ka hadleyna  waxaan la kulmayaa qaar ka mid ah militeriga Mareykanka iyo la-taliyeyaal marka tani waa arrin aniga iyo saaxiibadeyba ay waqti ku bixin doonaan waana nidaamkii Soomaaliya ay ugu guuleysan lahayd ammaanka kana caawin doonto sidii ay uga adkaan lahayd Alshabaab.

Goobjoog News: Waxaa soo laabtay oo walaac laga muujinaya arrinta Burcadbadeedda haddaba arrinkas walaac ma idinku hayaa haddii aad tihiin mareykanaka?

Safiirka Mareykanka: Waa su’aal wanaagsan waxaana isleeyahay adduunka aad waa ku farsanaayeen 5tii sano ee ugu dambeysay inaysan ka dhicin wax fal burcadbadeednimo ah biyaha Soomaaliya waana horumar weyn oo la gaaray iyadoo xilliyadaas ka horna burcadbadeednimadu ay ku sii baaheysay meelahaas mana hubno xaqiiqdii waxa sababay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee burcadbadeednimada mana u Qatar badana sidii hore waxaana ognahay in ciidamada badda Soomaaliya ay gacan ka geysteen in arrintaas la xakameeyo dadkuna waxaa laga yaabaa inay isyiraahdaan laga yaabee inay yaraatay ciidamadii caalamiga ahaa ee kormeerka ku sameynayey badda arrimahaas iyo kuwa kale ayaa iguna loo sababeeyaa kalluumeysiga sharci darrada ah  waana arrin ay tahay in wax laga barto sababtoo ah qof sidaas dooneysa ma jirto in burcadbadeedu ay soo laabato.

Qeybta 1aad: Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka:

La soco, Qeybta 3aad.

Goobjoog News