U bood dhigaalka

Wariye Boqorka Bartamaha Iyo Maxaabiis Laga Keenay Seychelles Oo Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo Afar Sano ku xirnaa dalka Itoobiya, kuna xukunnaa 27 sano oo xabsi ah ayaa maanta Muqdisho la keenay, kadib dedaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Boqorka Bartamaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan  dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Suxufiyiin.

Mar uu si kooban ula hadlay warbaahinta wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxan yahay inuu dib u helo xorriyaddiisa, islamarkaana dowladda Federaalka ayuu wariye Muudey uga mahadceliyey dedaalka ay kusoo deysay xilli uu quus joogay.

Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho la keenay 7 ruux oo kamid ahayd maxaabiis ku xirneyd jasiiradda Seychelles, waxaana maxaabiistaan oo qaarkood sanado badan xirnaa lasoo wareegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mudadii yareed ee ay shaqeyneysay dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo waxay ku guuleystay in dalka dib ugu soo celiso maxaabiis badan oo ku dhibanaa qaar kamid ah dalalka caalamka.

Goobjoog News