U bood dhigaalka

Wariye Cabdi Maalik Moose Coldoon Oo Lagu Riday Xukun Sanado Ah

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla Hargeysa ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay xukun ku ridday wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ku dhowaad Labo Bil ku xirnaa magaaladaasi.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa ku eedeysay wariye Coldoon inuu meel uga dhacay jiritaanka Somaliland, islamarkaana uu taageray Madaxweyne Farmaajo xilli uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay wariye Coldoon Labo Sano oo xabsi ah, waxaana xukunkaan saluugsan ehlada wariyaha.

Maxamed Abukar oo ah qareenka u doodayey wariye Coldoon ayaa Goobjoog News u sheegay in xabsiga lagu xukumay wariyaha aan la iibsan karin maadaama uu Sanad ka badan yahay, xeerka Somaliland uu qabo in la iibsan karo wixii sanad ka yar.

Waxa uu sheegay in Wariye coldoon uu bannaanka ku imaan karo Labo arrin oo kala ah:

In racfaan laga qaato xukunkii lagu riday kadibna uu buro xukunka Labada Sano ah

In cafis loo fidiyo

15-kii February, 2017 ayaa magaalada Hargeysa waxaa lagu xiray Wariye Coldoon, iyadoo uu xirnaa bil iyo 23 cisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News