U bood dhigaalka

Wariye C/maalik Muuse Coldoon Oo Dib u Helay Xorriyaddiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu cafis u fidiyey wariye C/maalik Muuse Coldoon oo maxkamad ku taalla Hargeysa ku xukuntay Labo Sano oo Xabsi ah.

Coldoon ayaa dib u helay Xorriyaddiisa ku dhowaad 100 maalin kadib, wuxuuna ku eedeysnaa inuu u gefay waxay ugu yeeraan qarannimada Somaliland.

Coldoon ayaa ciidamada Somaliland waxay ka xireen garoonka hargeysa Febraayo 15, 2017 xilli uu ka amba baxay magaalada Muqdisho.

Maxkamad ku taalla Hargeysa ayaa April 8, 2017 waxay ku xukuntay Labo Sano oo xabsi ah, taasi oo ay aad u cambaareeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale ururada u dooda xuquuqda aadanaha iyo tan saxaafadda.

Coldoon kaliya ma ahan Wariye ee sidoo kale waa Samofale qabtay shaqooyin badan oo ay ku xusuustaan dad badan oo qaarkood uu caawiyey.

Goobjoog News

COLDOO3