U bood dhigaalka

Wariye Lagu Xirey Garoowe

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka magaalada Garoowe ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaaladaasi ku xireen wariye Cumar Saciid Maxamed oo kamid ah suxufiyiinta ka howlgala magaaladaasi, dhanka kalena ah xoghayaha warfaafinta ururka MAP.

Suxufi Cumar Dheere ayaa loo gudbiyey xabsi ku yaala Kontroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe, halkaas oo ahayd meeshii dhawaan laga soo daayey Suxufi Kilwa oo lagu xirey qoraallo uu ku qoray Facebook.

Saraakiishii hoggaamineysay ciidankii xirey Wariye Cumar ayaa sheegay  in amarka lagu xiray Cumar Dheere uu ka soo baxay Madaxtooyada Garoowe.

Wariye Cumar ayaa sidoo kale la shaqeynayey Idaacadda Horseed Media iyo sidoo kale Tv-ga Horn Cable.

Goobjoog News