U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Dalka Ugu Yeertay 8 Danjire (Akhriso)

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha Dibadda  iyo Iskaashiga caalamig ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ugu yeertay iney kusoo laabtaan 8 danjire oo dalka u fadhiya qaar kamid ah dalalka carbeed iyo kuwa Afrika.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Danjirayaasha magacyadooda hoos ku xusan laga doonayo in muddo 30 cisho ah ay ku yimaadaan xarunta dhexe ee wasaaradda laga bilaabo 24-ka September oo shalay ku beegneyd.

Magacayada Danjirayaasha iyo Dalalka ay joogaan:

Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim, safaaradda Soomaaliyeed ee China

Danjire C/raxmaan Cabdi Xuseen, safaaradda Soomaaliyeed ee Djibouti

Danjire C/qaadir Shikhey Maxamed Safaaradda Soomaaliyeed ee Abu-dhabi

Danjire C/qaadir Amiin Sheekh Abubakar Safaaradda Soomaaliyeed ee Kuwait

Danjire Cuamar Sheekh Cali Idiris Safaaradda Soomaaliyeed ee Qatar

Danjire Maxamed Cabdi Ugaas Safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan

Danjire Sayid Axmed Sheekh Daahi Safaaradda Soomaaliyeed ee Uganda

Danjire Maxamed Xasan Safaaradda Soomaaliyeed ee Zambia

Goobjoog News