U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo War Kasoo Saartay Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Laga Soo Daayey Xabsiyada Itoobiya

Sheeko:Dalka

Dadaal ballaaran oo ay sameysay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degey 114 muwaaddin oo Soomaali ah oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelisay Dowladda Federaalka ee Ethiopia iyo Dowlad Degaanka ismaamulka Soomaalidu saaxiibtinnimada ay muujiyeen ee ay kaga dhabeeyeen siideynta maxaabbiista, taas oo ay hore ugu ballanqaadeen Madaxdeenna.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah hindise niyad wanaag ah oo lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo midka derisnimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Arrintani waxay ka dambeysay ballanqaadkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay ka shaqeyso in Maxaabbiista Soomaalida ah ee ku xiran dalal dhowr ah ay u howlgasho sidii loo sii deyn lahaa ama ay xabsigooda ugu dhammaysan lahaayeen dalka gudihiisa.

Danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa, Maxamed Cali Nuur, oo maxaabbiistan ka soo qaaday JigJiga ayaa markii ay Muqdisho ka soo degeen wuxuu ku wareejiyay hey’adaha Booliiska iyo Garsoorka.