U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Oo Dhaliil u Jeedisay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Galmudug ayaa u dhaliishay dowladda Federaalka Soomaaliya iney ka gaabisay wax ka qabashada xaaladda caafimaad ee deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Wasiirka wasaaraddaasi Naciima Maxamed Maxamuud oo la hadashay Goobjboog News, ayaa sheegtay in dowladda guud ahaan ay ka gaabisay gurmadka abaaraha, waxayna si gaar ah u sheegtay in cuduro badan ay ka dhasheen abaaraha, dowladana aaney si cadaalad ah aanu deegaannada maamulkaasi soo gaarsiin dawo dadka wax looga qabto.

“Waxaan ku sigannay daacuun, cuduro badan ayaa dilaacay, annaga ka wasaarad ahaan wixii aan heli karnay waan keennay, dadka wixii ay inoo keeni karaan wey inoo keeneen balse sidii wax loo rabay ma ahan, Mudug iyo Galgaduud xaalad adag oo caafimaad baa ka jirta, marar badan baan qeylinay sidaan wax u rabno nalooma keeno, gargaaro kale oo badan baa la geeyaa gobollada kale sida K/galbeed, Jubbaland sidaas oo kale nalooguma keeno mana garanayo sababta” wasiir Naciima ayaa sidaasi sheegtay.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in deegaannada Galmudug dadka ku sugan ay u baahan yihiin gurmad caafimaad, iyada oo dowladda ugu baaqday in si xaq ah ay wax ugu qeybiso maamullada.

“Dowladda dhexe waa ay inaga gaabisay, dadka waa in si isku si ah wax loola gaaraa, dowladda waxaan ugu baaqeynaa in ay gurmad caafimaad lasoo gaarto shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug”

Deegaannada Galmudug waxaa ka jira cuduro uu kamid yahay shuban biyoodka, iyadoo dadkuna u baahan yihiin gurmad caafimnaad.

Goobjoog News