U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka K/galbeed Oo Warbixin Dheeraad Ah Ka Bixisey Dadkii Ku Sumoobay Duleedka Baydhabo

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbixin dheeraad ah ka bixisey in ka badan 30 qof oo ku geeriyootay deegaan ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii la sheegay iney ku sumoobeen biyo ay ka cabeen Warbiyood halkaasi ku taallay.

Agaasimaha wasaaraddan Isaaq Maxamuud Mursal oo u warammay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wadaan dadaal dheeraad ah oo ay ku bixinayaan ogaanshiyaha waxa ay dadkaan u dhinteen.

Waxa uu agaasimaha shaki geliyey in dadkaan ay ku sumoobeen biyahan, balse waxa uu qirey in biyahaasi muuqaal ahaan ay bedalnaayeen, taasna laga yaabo in biyahan wasaqeysan ay cuduro kale ka dhasheen.

Mursal ayaa tilmaamay in dadka marka hore caloosha ay xanuuneyso, shuban iyo matagna xigayaan, kadibna qofka uu dhimanayo.

“Annaga waxaan wadnaa dadaal ballaaran oo aan ku ogaaneyno waxa rasmiga ah ee dadkaan u dhinteen, biyaha waa ay bedalnaayeen, waxaa laga yaabaa xitaa in waxa meeshan ka jira cudurka shuban biyoodka yahay, waayo xoolihii biyaha way ka cabeen wartaan mana dhiman, balse si walbo waan ogaan donnaa xaqiiqda, dedaal badanna waan wadnaa” ayuu yiri Agaasimaha.

Sidoo kale agaasime Isaaq ayaa sheegay in dedaallada ay sameeyeen ay kamid tahay in halkaasi ay geeyeen dawo, biyo iyo dad caafimaadka wax ka yaqaan oo dadkaasi caawiya.

In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootey warbiyood la sheegay in la sumeeyey deegaanka Masuubiyow oo duleedka magaalada Baydhabo ku taalla.

Goobjoog News