U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Puntiland Oo Howlo Nadaafadeed ka Bilowday Garoowe.

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka ee gobollada puntland ka waday maalmahan wacyi galinta ayaa waxaa maanta iskoolka Imaam Alnawawi  ee magaalada Garoowe  ardeyda wax ka barata ay bailaabeen wacyi galin ku aadan waxyaabaha keena  caafimaad xumada iydoona diiradda lagu saarayey  joogteeynta fara dhaqa xilliyada, muhimka ah iydoona la isticmaalayo saabuun ama danbas, iyo sidii loo cirib tiri lahaa dadka banaanada ku saxaroodka.

Cabdullqaadir Maxamed oo ku hadlayey magaca  wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka soomaaliyeed ee puntland ayaa ka war bixiyey waxyaabaha keena caafimaad darada waxa uuna yiri ,, maanta  waxaan idin kugu nimid  wasaarad caafimaad ahaan  iyo wasaaradda   waxbarashada inaan idin kala qeyb qaadano oo idinla wadaagno nadaafadda guud ahaan  sidii kor loogu qaadi lahaa caafmaadkeenana uu wanaagsanaan lahaa,,  Cabbdulqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay iney soo dhawdahy xilli roobaadka laga maarmaana ay tahy in lagu dadaalo nadaafadda iyo caafimaadka maadaama xilli roobaadka ay faafaan cudurro badan oo halis ah.

Dhanka kale gudoonka  waxbarashada gobolka nugaal ayaa asna goobta ka hadlay ayaa aradada waxa uu kula dardaarmay  iney gaarsiiyaan wacyigalinta  loo sameeyey iney gaarsiiyaan guryahooda isagoo  lahadlay Goobjoog news waxa uu yiri ,, wacyigalin qeybo fara badan iskugu jirto sidaas daraadeed waxaan rajeyneynaa sidii looga bartay dusiga Imaam nawawi inaan sifiican aan uga faa ideysano wacyigalinta,,

Wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka soomaaliyeed ee puntiland ayaa ololaha wacyi galinta nadaafadda ka wada  guud ahaan gobolada puntiland iyadoona ay ku soo aadeyso  xilli  ay curteen  roobabkii deyrta ahaa,xilliyada roobabkana ay dhashaan cudurro haddii aan lasameyn ka hortag  dhanka nadaafadda ah .