U bood dhigaalka

Wasaaradda Cadaaladda Galmudug Oo Sheegtay In Sharciga La Horkeenayo Haweeneyda Dishay Gabadhii 7-sano Jirka Ahayd

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka cadaaladda ee maamulka Galmudug Maxamuud Guure Guuleed oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in cadaaladda la marin doono  eedeysanayaasha laamaha amniga soo xiraan, isaga oo si gaar ah uga hadlay fal gabar 7-jir ah lagu diley degmada Cadaado.

Waxa uu tilmaamay wasiir ku xigeenka in mardhow dadka ku eedeysan kiiska dilka gabadha yar cadaaladda la horgeyn doono, ayna isku diyaarinayaan qaadista dacwadaasi, wuxuuna ugu baaqay booliiska in baaritaankaasi ay soo dedejiyaan, isaga oo shacabka Cadaado ugu baaqay in ay xasiloonida ka shaqeeyaan.

“Waxaan bulshada u sheegayaa in cadaaladda la horkeeni doono dadka ku eedeysan dilka gabadhan, waan la hadalnay cid walbo oo ay arrintan quseysyo, bulshada waxaan leeyahay is deji, haddii qof dambi galo lama sameeyo dambi kale, wixii sharciga qabo ayaa la marsiin doonaa, jid sax ah oo cadaalad ah ayaa la marsiin doonaa, mas’uuliyiinta Booliiskana waxaan ugu baaqayaa in arrintan ay soo dedejiyaan”

6-dii bishan ayaa Meydka gabar yar oo 7 sano jir ah waxaa laga helay duleedka degmada Cadaado, waxaana loo soo qabtay haweeney la sheegay in dilkaasi ay ka dambeysay iyo sidoo kale seygeeda.

Ciidamada Booliiska degmada Cadaado ayaa weli wada baaritaanka haweeneydan iyo xaqiijinta sababta rasmiga ah ee ay gabadhaasi u dishay.

Goobjoog News