U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaadiidka Iyo Dekedaha Galmudug oo Maalgashi U Raadineysa Dhismaha Dekedda Hobyo

Sheeko:Dalka

Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gadiidka & Dekedaha Galmudug ayaa waxa ay Wasaaraddu ku shaacisay in ay maalgelinta dekedda Hobyo uu u furanyahay qof walba oo doonaya in uu maalgashto.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay oo ay isugu jireen Wasiirro iyo Xildhibaanno iyo ganacsato ka soo jeeda Galmudug ayaa waxaa ay isla gorfeeyeen sidii dhaqaalaha iyo ganacsiga Galmudug kor loogu qaadi lahaa iyadoo dekedda Hobyana ay kamid tahay ilaha dhaqaale ee maamulka uu leeyahay.

Maxamed Aadan Qalabxoor, Wasiirka gaadiidka iyo dekedaha Galmudug ayaa sheegay in lasoo gaaray waqtigii ka maamul ahaan ay isku tashan lahaayeen isagoo tilmaamay in xilli dhaw degmada Hobyo uu ka dhici doono kulan kale oo lagu shaacinayo sheerarka dekedda Hobyo si cid kale aanay wax ugu sugin.

“Waxaan halkan kusoo bandhignay qorshe aan ku dooneyno in aan ku dhisno dekedda Hobyo, waxaan soo bandhignay qorshe waqtiyeysan. Waxaan soo bandhignay haddii aan nahay reer Galmudug aanu ku tashan jeebab kale laakiin aan ku tashano jeebkeenna. Waxaan soo bandhignay in aan ka gudubno oo aan ka kaaftoonno gacan shisheeye. Waxaan 100% aan adkeyneynaa oo aan hubnaa in aan ku guuleysaneyno haddii Ilaahey nala garab galo in aan inagoo isku tashaneyno oo reer Galmudug ah in aan dhisano dekeddeenna, weliba waqti dhaw haddii in aan dhisanno haddii Alle idmo.

“20-ka October ayaannu shirweyne ku baaaqnay in lagu qabto magaalada Hobyo, waxaa ku baaqeynaa cid kasta ee daneyneysa Galmudug iyo faaidaba in ay kasoo qeybgalaan xafladdaa weyn oo lagu bixin doono sheerarkii lagu dhisan lahaa dekedda” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Galmudug.

Wasiir Qalabxoor ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in rajadoodu kaliya aanay aheyn helitaanka hal-dakad balse ay soo dhaweynayaan cid walba oo wax kusoo kordhineysa deegaanada Galmudug.

Goobjoog News