U bood dhigaalka

Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle Oo Sheegtay In Tallaabo Laga Qaadayo Ciddii Diidda Lacagta Shilin Soomaaliga Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda maamulka Hirshabelle ayaa shaaca ka qaadday in tallaabo adag laga qaadi doono cid walbo oo diidda qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga ah.

Maxamed Maxamuud Cabdulle, ku simaha wasiirka maaliyadda ee maamulka Hirshabelle ayaa u sheegay warbaahinta in ka maamul ahaan ay isku raaceen in la dardargeliyo socodsiinta lacagta Shilin Soomaaliga.

Waxa uu tilmaamay in shaqaalaha kala duwan ee maamulkooda mushaarka lagu siin doono Shilin Soomaali, si aysan dadka u arag wax iyaga kaliya lagu cadaadinayo, lacagtana ay u noqoto mid socota.

“Waxaan isla garanay in la qaato lacagta, waxaan go’aan ku gaarnay in canshuurta aan qabanno 50% ku qabanno shilin Soomaali, shaqaalahana aan siinno lacagtaasi, wixii dhibaato ah ee yimaada inaan iska qabanno ayaa ku heshiinnay” ayuu yiri wasiirka.

Gobolka Hiiraan ayaan ka socon lacagta shilinka Soomaaliga ah Todobaadyadii lasoo dhaafay, balse maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah ay bilaabi doonaan dhaqangelinta qaadashada lacagtaasi.

Goobjoog News