U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Federaalka Ah Iyo Amin Ambulance Oo Heshiis Gaaray

Sheeko:Caafimaadka

Wasaarada waxbarashada Soomaaliya Iyo Amiin Ambulance ayaa heshiis  iskaashi ka gaaray arrimaha la xiriira tababarka ardeyda iyo gargaarka degdegga ah.

Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare  mudane Cabdiraxman  Daahir  Cismaan oo munaasbadda ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida Amiin Ambulance uga qeyb qaateen qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii October.

Mudane Cabdiraxman  Daahir  Cismaan ayaa codsaday in Amiin Ambulance ay tababar iyo wacy-gelin siiyo ardeyga Iskuullada iyo Jaamacadaha

Dhinaca kale, Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman oo ahaa agaasimaha Amiin Ambulance oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wasaaradda kula heshiiyeen sidii ardeyda iskuullada iyo Jaamacadaha loogu tababari lahaa arrimaha la xiriira gargaarka degga ah arrintaas oo ku jira manhajka, loona siin lahaa Numberada Amiin Ambulance si haddii wax dhacaan u helaan gargaar degdeg ah.

Dr. Cabdiqadir Cabdiraxman in ardeyda ay qeyb ka yihiin kooxaha gacanta siiya shirkadda gargaarka degdegga ah, barnaamijkanna uu qeyb ka noqon-doono in xiriirka sii xoogeysto.

Goobjoog News

amin amin2