U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Dib Usoo Ceshaneysa Dhammaan Xarumaheedii

Sheeko:Dalka

Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in dhammaan goobaha waxbarashada ay sida gaarka ah hadda loo haysto ay dowladda ku dedaalayso sidii dadka looga saari lahaa, si ay ugu shaqeeyaan madaxda wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliyeed iyo bahda waxbarashada.

Waxa uu sheegay wasiirka in horey ay u balanqaadeen in 100-ka maalmood ee ugu horreysay  in dib loogu soo celiyo dhammaan xarumaha waxbarashada dalka ee hadda shacabka gacanta ugu jira, isaga oo tilmaamay in waxbadan ay qabteen kuwo kalena ay ku haminayaan.

“100 maalmood gudahood inaan waxbarashada dib usoo habeynno aan ka bilowno inaan soo celinno xaruntii wasaaradda waxbarashada iyo hidaha iyo Tacliinta sare, 100-kii maalmood waxay inala dhaaftay muddo yar laakiin weli waxaan ku taagannahay in arrintan tahay muhiim, tani waxay kamid tahay tallaabooyinka waaweyn ee aan rabno in dalkaan waxbarashadiisa wax uga qabanno, si aan waxbarashada hiigsiga aan degsannay u gaarno waa inaan abuurno waxbarasho si sahlan loo heli karo, inaan abuurno waxbarasho tayo leh taas si aan u helno waxaa loo baahan yahay meel lagu shaqeeyo” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sare u qaadista waxbarashada dalka, lana helo arday leh aqoon sare oo wanaagsan.

Goobjoog News