U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo Jaamacadaha ugu Baaqday Iney La Yimaaddaan Manaahij Ka Tarjumaysa Rabitaanka & Horumarinta Dhalinyarada iyo Bulshada

Sheeko:War

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Jaamcadaha dalka ka jira ugu baaqday iney la yimaddaan manaahij ka tarjumaya rabitaanka iyo hurumarinta dhanlinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiru dowladaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo ka qeybgalay xaflad qalinjabin arday jaamacadeed ah oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalda Muqdisho ayaa sheegay in wasaaradooda ay ka go’an tahay ilaalinta tayada waxbarashada:

“Wasaaradda waxbarashada waxaa ka go’an iney horumariso siyaasadda waxbarashada dalka shuruucdii waxbarashada iyo dhammaan hay’adii dalka ee waxbarasho in la xoojiyo. Waxyaabaha ahmiyadda gaarka ah noo leh waxaa ka mid ah inaan tayayno waxarashada dalka, dalku waxa uu leeyahay tacliin sare, waxa uu leeyahay jaamacado badan, waxaan aad uga mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed dadaalkii badnaa ee ay kasoo qaateen iney waxbaraan dhalinyaro intaa le’eg.”

Waxa uu wasiirku baaq u diray dhammaan jaamacadaha dalka iney la yimaaddaan manaahij tayo leh oo waxtarna u leh dhalinyarada iyo bulshada:

“Waxaan rabaa ka wasaarad ahaan inaan u sheegno dhammaan jaamcadaha ummadda Soomaaliyeed iney la yimaadaan qorsheyaal ama maanaahij ka tarjumi kara rabaitaanka iyo horumarinta dhalinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir Cabdiraxmaan waxa uu aad u ammaanay dadaalka waxbarashada ahliga ah ee ay shacabku maalgashadeen, waxaanuu tilmaamay in ka wasaarad ahaan wixii ay la qaban karaan aaney waxba ka hagran doonin:

“Waxaan aaminsanahay inaan casireynno jaamcadeehanna, waxaan aaminsanahay inaan wax ka bedelno manaahijteenna, waxaan aaminsanahay  in waxbarashadeennu la mid noqoto jaamacadaha caalamka ka jira, waxaan aamisanahay in ummadda Soomaaliyeed ay arrinkaa maskaxda ku hayaan, ka wasaarad ahaanna waxaa marwalba dhiirigelinaynaa in jaamacadaha ahliga ah ee dadka Soomaaliyeed ay maalgeliyeen caqligooda ay galiyeen wakhtigooda ay galiyeen in horumarin loo sii sameeyo in wasaaraddu ay garab istaagto in wixii lala qaban karo lala qabto.”

Si kastaba, waxaa dalka ka jira jaamacado kala duwan oo si weyn u hano qaaday muddooyinkii dambe, iyadoo waxa lagu dhaliilaa uu yahay manhajka oo cid kastaa kii gacantooda soo gala ay iska dhigaan.

Goobjoog News