U bood dhigaalka

Washington Oo Ceyrinineysa 15 Diblomaasiyiin U Dhashay Cuba

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Wayne Tillerson  ayaa sheegay in wasaaraddiisa ay gaarsiisay xukuumadda Cuba  inay soo tarxiilayaan 15 diblomaasiyiin Cubiyiin ah kuwaas oo ku sugan caasimadda Mareykanka ee Washington, D.C.

Tillerson ayaa ku sheegay go’aanka ceyrinta diblomaasiyiinta timid kadib markii Havana ay ku fashilantay qaadashada go’aano munaasib u ah ilaalinta diblomaasiyiinta Mareykanka iyada oo la raacayo heshiiskii Vienna.

Dhanka kale afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in burinta diblomaasiyiinta aysan ka dhigneyn cuno qabateyn iyo dusha laga saaro Cuba mas’uuliyadda weerarka.

Arrintaani ayaa timid ka dib markii Mareykanka uu kala baxay shaqaale ka shaqeynayey safaaradda uu ku leeyahy magaalada Havana isaga oo ku sababeeyay labixista shaqaalaha inay la kulmeen weeraro.

Cuba ayaa dhankeeda iska fogeysay inay arrintaasi ay ku lug leedahay,waxayna ku tilmaantay tilaabada uu qaaday Mareykanka mid lagu xumeynayo xiriirka labada dal.

Xiriirka diblomaasi ee ka dhaxeeya labada dal ayaa dib u soo laabtay sanadkii 2015, ka dib in ka badan 50 sano oo labadaan dal ay cadaawad ka dhaxeysay.