U bood dhigaalka

Wasiir Bayle “Ma Jirto Canshuur La Kordhiyey” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin Canshuur la kordhiyey, ayna tahay been abuur.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in markii horeba aysan jirin canshuur badan oo la bixin jirey, islamarkaana aysan jirin canshuurtii gadista oo uu tilmaamay in hadda ay bilaabayeen.

“Canshuur la kordhiyay ma jirto, canshuur la qaadaana ma jiraan, Canshuur haddii la iska bixinayo dalka sidan ma ahaadeen..dadku haddii aanu canshuurta bixin dowladi ma jireyso, wadanna ma jiraayo..canshuurta kaliya ee micno leh ee maanta la bixiyo waa midda Custom-ka la yiraadho ee kasoo gasha dekadda iyo garoonka diyaaradaha, wax kale oo la bixiyo wax yar baa ka jira” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Bayle oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan damacnay inaan bilowno canshuurtii gadista oo xaq looga leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ganacsatada ah, wax la kordhinay ma ahan waxaan laga qaadinba weeye, bal ninka Canshuur gadis laga qaadow halka soo istaag, marka arrinta waxbaa la kordhiyey la leeyahay hala joojiyo waa war xumo tashiil, tan kale canshuurta gadista waxay ku waajibtaa wixii la gadaayo oo dhan”

Sidoo kale, wasiir Bayle ayaa sheegay in hadda ay joojiyeen lacagihii canshuurta ah ee ay ka qaadayeen ganacsatada dekadda, gaar ahaan midda gadista ah oo howlaha sidoodii hore ku soconayaan inta ay iska arkayaan ganacsatada maalmaha soo aadan.

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekadda Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey bixinta canshuurta gadista oo dhowaan ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka:

Goobjoog News