U bood dhigaalka

Wasiir Juxa: Dowladda Cid Ay u Wadato Doorashada Hirshabelle Ma Jirto

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dhex dhexaad ka tahay doorashada maanta la filayo iney ka dhacdo magaalada Jowhar.

Wuxuu wasiirka sheegay in dowladda ay fududeeya ka tahay doorashadan, islamarkaana aanay jirin cid dowladda wadato ama ay taageerayso.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda ay indhaha un ka eegi doonto waxa maanta dhacaya, islamarkaana dadka Hirshabelle ay xaq u leeyihiin iney doortaan cidda ay doonaan.

“Dowladdu wax dhinac ah oo ay la safan tahay ma jiro, doorashadaan waa doorasho maamul goboleed, dadka reer Hirshabelle ayaa xaq u leedahay iney doortaan madaxweynaha ay rabaan, cid aan gaar u wadanno ma jirto, cid aan ka jirnaa ma jirto, waanu u fududeyneynaa, waan daawaneynaa, cidda la doorto ayaa soo baxeysa, laakiinse Hal dhinac oo aan  la jirnaa ma jiro” ayuu yiri wasiirka.

Sideed musharrax ayaa ku tartami doona doorashada madaxweynaha Hirshabelle ee maanta la filayo iney ka qabsoonto magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News