U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Baaq u Direy Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa ugu baaqay ganacsatada Galmudug iney qaataan lacagta shilin Soomaaliga ah.

Waxa uu sheegay in shacabka aan la cunaqabateyn, islamarkaana ay muhiim tahay in ganacsatada ay umadda u naxaan oo ay nidaam furaan.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka haddii ay waayaan cid lacagtii ay haysteen wax uga iibsata iney imaato in dadka ay iyaguna boobaan wax walbo oo ay u baahdaan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda amniga Galmudug la doonayo iney arrintaan kaalin xooggan ka qaadato si xal loo helo, maadaama arrintan ay amni xumi keeni karto.

“Ganacatadu waxaa laga doonayaa iney qaataan lacagta shilin Soomaaliga ah, la iskuma haleen karo lacagahan hawada ah oo xili walbo dhib ayeey keeni kartaa, midda kale dadku haddii ay waayaan cid wax ka iibsata waxaa macquul ah iney wax boobaan, marka waa in ka dowlad ahaan wax looga qabto arrintaan” ayuu yiri wasiirka.

Dhowaan ganacatada ku dhaqan gobollada Mudug, Hiiraan iyo Galgaduud qaarkood waxay diideen qaadashada lacagta shilin Soomaaliga ah, taasi oo saameysay dad badan.

Goobjoog News