U bood dhigaalka

Wasiir Maryan Oo Ku Baaqday In La Xoojiyo Gurmadka Abaaraha

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray wafdi ballaaran oo ay hoggaamineyso wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Drs. Maryan Qaasim Axmed halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Waxa ay wafdigani kulan la yeesheen madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Qaar kamid ah golahiisa wasiirada, waxaana ay ka xog wareysteen arrimaha la xiriira gurmadka Abaaraha ee soo gaaray deegaannada K/galbeed.

Wasiir Maryan oo saxaafadda kula hadashay Baydhabo, waxay sheegtay in ulajeedka ay u tagtay Bayadhabo tahay iney ogaato in maamulka K/galbeed ka dhageystaan warbixinno la xiriira xaaladda dadka ay abaartu saameysay iyo sidoo kale qaabkii loo bixiyey gurmadkii la gaarsiiyey deegaannadaasi.

Sidoo kale wasiir Maryan ayaa sheegtay in weli ay jiraan deegaanno ka tirsan K/galbeed oo aan si fiican u gaarin gurmadka Abaaraha, halka deegaannada qaarna dadka joogay si aad ah loogu gurmaday.

Waxay kaloo wasiirka Gargaarka xukuumadda Soomaaliya ka dalbatay beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed iney xoojiyaan gurmadka abaaraha iyo sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Goobjoog News