U bood dhigaalka

Wasiir Somaliland Ah Oo Habmalyo iyo Talo Soo Jeedin Udiray Ra’isul Wasaare Kheyre

Sheeko:Dalka

Aadan Axmed Cilmi “Dhoolayare” oo horey uga soo noqday Somaliland wasiirka Cadaaladda ayaa waxa uu soo dhaweeyay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay iney la shaqeeyaan.

Siyaasi Aadan Dhoolayare oo hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo saxaafadda u qeybiyay qoraal uu soo saaray, ayaa ugu horreyn hambalyo u diray Ra’isul Wasaaraha la magacaabay ee Xasan Cali Kheyre, waxa uu yiri:

“Waxaan magacayga ku hambalyaynayaa Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Waxaan ugu ducaynayaa in xilka weyn ee culus ee loo magacaabay uu ilaahay ku asturo. Waxaanan u rajeynayaa inuu u guto xilkaas si xilkasnimo leh nabad iyo horumarna ku gaadho wadanku oo ay dagaalo iyo maamul xumo badani la daris ahaa wakhti dheer. Waxaanan ka rajeynaya shacabka reer Somaliya iney la shaqayn doonaan oo ay gartaan  sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada haystay wakhtiga badan,kana shaqeeyaan iney u soo jeestaan dantooda iyo badbaadinta umadda”.

Waxa uu xukuumadda soo aaddan usoo jeediyay iney maamul wanaag ka shaqeeyaan, kaasina uu keeni karo dowlad adag iyo in laga maarmo ciidamda shisheeye ee doonaya in muddo dheer lagu sii tiirsanaado, waxa kale oo uu soo jeediyay in wadahadal dhab ah lala furo Al-Shabaab si xal waara loo gaaro:

“Waxaan leeyahay shacabka wey idinku filan tahay dhib iyo khasaare leh dhimasho iyo burbur aad kaga hadheen aduunka, waxaanan u soo jeedin laha xukuumada cusub ee Ka dhalatay Somaliya,  inay iska iloobaan iney ku mashquulaan iney raadiyaan midnimo maanta, taas oo aan qabo inay hor taalo hawlo culus oo u baahan iney gudahooda hagaajiyaan oo ay soo celiyaan dawladnimadi iyo maamul wanaag sharaf leh si ay uga kaaftoomaan ciidamadan shiisheeye ee dalka jooga iyo dawladahan gacanta kula jiro dawladnimada ee aan jeclayn iney ka maarmaan oo aanay ka dhalan dawlad cagaheeda ku taagan oo haybadeeda leh, waxaan la gudboon inay bilaabaan dib u heshiisiin dhexdooda ah iyo ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda u furaan wada hadal xal waara laga gaadho”.

Si kastaba, talo soo jeedinta wasiir hore; Aadan Axmed Cilmi “Dhoolayare” oo ah mid aan horey looga baran siyaasiyiinta Somaliland oo intooda badani dhaliisha iyo goonni isku taagga un ka hadlay marka ay Soomaaliya soo hadalqaadaan.

Goobjoog News 

Mawduucyada:Gobollada