U bood dhigaalka

Wasiir Xoosh Oo Sheegay In Wasaaraddiisa Ay Wax Badan Qabatay

Sheeko:Dalka

Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay waxyaabaha ay qabatay wasaaraddiisa mudadii uu xilka hayey.

Wasiir Xoosh ayaa ugu horeeyn ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda isaga oo sheegay in hawl badan la qabtay.

“Ugu horeeyn markii aan Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aansanay inaan Dastuurka dhameeystirno, kadib waxaan u baahanay inaan Qorshe sameeysano inaga oo ka talagelinayna qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan la kulannay Wasiirada dawlad goboleedyada ee aan shaqo wadaaga nahay oo aan qaarkood ugu tagnay caasimadaha dawlad goboleedyada. Hadaba intaa kadib ayaan Qorshe sameeysanay waxa aana u gudbinay Ra’iisul Wasaaraha, waxa aana qaban-qaabineynaa shirweyne Qaran oo aan October qabaneyno si loogu ansixiyo Qorshaha Guud” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka oo su’aal ahayd sida loo tixgelinayo rabitaanka dawlad goboleedyada ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka uga jawaabayay Dhageyste Axmed la yiraahdo oo Hargeysa Joogay ayaa yiri “Nidaamka aan qaadanay waa Federal, marnaba ma dhaceyso in Wasaaradda keligeed ay wax iska sameeyso, laakiin waxaan geleynaa sanad wadahadal ah oo aan ku kala cadeeyn doonno summadaha Federalka ee aan ku dhaqmi doonno; D/Goboleedyada door wayn ayey kulahaan doonaan dib-u-eegista Dastuurka”.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay sameeynta wadatashiyo badan iyo xaqiijinta ka qaybgal loo dhanyahay si dastuurka loogu dhameeystiro labo sanno gudahood.

DHAMMAAD