U bood dhigaalka

Wasiir Yariisow Oo Sheegay In Sharciga La Horgeyn Doono Cid Walbo Oo Ku Lug Leh Weerarkii Hoyga Qeybdiid

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C.raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Facebook-giisa wuxuu kusoo qoray in dowladdu ay waddo baaritaan ku aadan weerarkii ay maanta ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaalwe Qeybdiid.

Waxa uu sheegay wasiirka in sharciga la horkeeni doono cid walbo oo falkaasi ku shaqo leh, waliba sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Dowladda federaalka waxay waddaa baaris ku aadan sababta iyo ciddii ka dambeysay falka ka dhacay guriga Senator Cabdi Qeybdiid, sharciga ayaana la horkeeni doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri wasiirka.

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka ayaa maanta oo Sabti ah weerar ku qaaday hoyga magaalada Muqdisho ka deggan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Yariisow

 

 

 

Goobjoog News